Ciidanka Somaliland oo galay Taleex

Ciidanka Somaliland oo galay Taleex

daajis.com:-Wararka ka imanaya degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa xaqiijinaya in ciidamo ka tirsan Somaliland oo ka tagay degmada Laascaanood ay galeen degmadaasi maanta barqadii.

Taliyaha guud ee ciidammada milateriga Somaliland, Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle, ayaa goor dhoweyd khadka teleefoonka BBCda ugu xaqiijiyay in ciidankiisu gaadheen deegaanka Taleex, isagoo ku micneeyay gelitaanka Taleex ee ciidanka Somaliland – siduu hadalka u dhigay – inuu yahay hawlgal caadi ah oo lagu sugaayo nabadgelyada xuduudaha Somaliland.
Jeneraal Ismaaciil Shaqalle, taliyaha guud ee ciidanka somaliland oo BBCda ay weydiisay in ujeedada ciidankiisu ku galeen tahay inay is hortaagaan shirweynaha maamulka Khaatumo ee beryahanba halkaasi uga socday? Ayaa waxa uu ku jawaabay in xukuumada Somaliland amar ku bixisay in aan xuduudada Somaliland lagu qaban karin shir aan fasax looga qaadan.

Dadweynaha ku nool deegaanka taleex oo qaarkood aan la xidhiidhay ayaa ii sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo madax dhaqameedkii ka qeyb galayay shirka Khaatumo uga socday Taleex ay xalay ka baxeen magaalada, ciidammada Somaliland-na banaanka ka joogaan magaalada.
15-kii bishii Abriil ee sanadkan ayey aheyd markii ay ciidammada Somaliland qabasadeen markii ugu horreysay magaalada Taleex laakiinse markii danbe iskood ayey uga soo baxeen.

BBC Somali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada