Ciidamada Ethiopia oo gacanta ku dhigay dhalinyaro falal argagixisonimo ku howlanaa

Ciidamada Ethiopia oo gacanta ku dhigay dhalinyaro falal argagixisonimo ku howlanaa

daajis.com:-Ciidamada ammaanka ee dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen dhalinyaro looga shakiyay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo ay ka fuliyaan meelo badan oo dalka Ethiopia ku yaalla.

Afhayeen u hadlay Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Shimeles Kemal ayaa WakaaladdaWararka AFP u sheegay in dhalinyada la qabtay ay tiradoodu gaarayso 25 qof, kuwaasi oo uu ku sheegay inay tababaro ku soo qaateen xeryo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaldaan dhalinta ay marin habaabiyeen, isagoo intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay ku howlanaayeen sidii ay falal argagixiso ah uga geysan lahaayeen gudaha dalkaasi, gaar ahaan magaalada Jimma oo 305 KM u jirta dhanka koonfur Galbeed caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Mr Shimeles Kemal ayaa xusay in 25-ka dhalinyaro lagu soo qabtay hub iyo waxyaabo kale oo qarxa, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay ku doonayeen sidii ay weeraro argagixisonimo uga fulin lahaayeen gudaha dalka Ethiopia.

Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegay in dhalinyaradan Soomaalida ah ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga, 10 ka mid ah ay Maxkamadda sare ee Federaalka dalka Ethiopia ku heshay inay weeraro argagixisonimo ah ay ka fuliyeen wadamo daris la ah Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in go’aanka xukunka kama dambeysta ah ay gaarto 15-ka Janaayo ee sanadka cusub, maadaama haatan lagu hayo caddeymo ku saabsan muuqaalo ka turjumaya meelaha ay ku soo tababarteen.

Ciidamada dowladda Ethiopia ayaa sanadkii 2011-ka waxa ay gacan ka geysteen weeraro Al-Shabaab looga xoreynayay deegaanno dhowr ah oo gobollada dalka ku yaalla, waxaana ciidamada dowladda Ethiopia ay si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM horaantii sanadkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada