Ciidamada Khaaska ah ee Maraykanka oo Howlgal qorsheesan ku qabtay Nin hogaamiye ah ay mudo raadinayeen

Ciidamada Khaaska ah ee Maraykanka oo Howlgal qorsheesan ku qabtay Nin hogaamiye ah ay mudo raadinayeen

daajis.com:-Ciidamada Khaaska ah ee dalka Maraykanka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen gudaha dalka Liibiya kusoo qabtay nin loo heysto inuu ka danbeeyey weerarkii Qunsuliyadii Maraykanka ku lahaan jiray Benghazi.

Ahmed Abu Khattallah ayey Maraykanka ku eedeeyeen inuu kamid ahaa hogaamiyayaashii ka danbeeyey weerarkii lala beegsaday Qunsuliyadii Maraykanka ku lahaa magaalada Benghazi bishii September sanadkii 2012.

Weerarkaasi ayuu ku dhintay Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Liibiya Chris Stephens iyo sadex kale oo kamid ah illaaladiisa iyo shaqaalihii safaarada.



Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalka ka fuliyey duleedka magaalada Benghazi iyagoo si fudud gacanta ugu dhigay ninkaasi la baadi goobayey muddo ku dhaw 2 sano. Hawlgalkan ayaa la sheegay inaysan cidna wax ku noqon, isla markaana ay ciidamadaasi si nabad ah uga baxeen dalka Liibiya.

Ninkan ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago dalka Maraykanka, iyadoo ay dhici karto in lagu xukumo dil.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in gacanta lagu soo dhigo ninkan isagoo sheegay in qofkii dil u geystay muwaadin Maraykan ah aysan dowlada Maraykanka ka hari doonin.

Weerarkii Qunsuliyadii Benghazi ayaa in muddo ah fadeexad ku ahaa xukuumada Barack Obama, iyadoo mucaaridka Maraykanka u adeegsan jireen weerarkaasi inuu qeyb ka yahay siyaasad xumada Madaxweyne Obama oo ay ku eedeeyeen inuu tilaabo ka qaadi waayey sugida amaanka Safaaradaha Maraykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada