In ka badan 20-Tikniko ah oo galbineysa Masuuliyiinta Maamulka Shabelle State oo gaaray Magaalada Marka

In ka badan 20-Tikniko ah oo galbineysa Masuuliyiinta Maamulka Shabelle State oo gaaray Magaalada Marka

daajis.com:-Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose waxaa maalintii shalay markii ugu horeesay gaaray Masuuliyiin katirsan Maamulka Shabelle State uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulkaasi Abukar Mardaadi .

Masuuliyiinta Maamulka Shabeelle State ayaa tagay deegaano badan oo katirsan Gobolka Sh/Hoose ay ku jirto Magaalo Madaxda Gobolkaasi Marka Cadey , waxaana Masuuliyiinta Maamulka Shabeelle State si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanadii ay tageen.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku suugna Gobolka Shabeelaha Hoose Masuuliyiinta Maamulka Shabelle State ee gaaray Gobolkaasi waxaa galbinayay in ka badan 20-tikniko ah , waxa ayna socod ku mareen deegaano katirsan Gobolkaasi.

Xubnaha Maamulka Shabelle State ee gaaray Magaakada Marka waxaa kujira xubno kamid ah Gudoomiyaashii Degmooyinka gobolka Banaadir kuwaa oo qaarkood loo magacaabayo Wasiiro katirsan Maamulkaasi.

Booqashada ay Magaalada Marka iyo deegaano kale ku tageen Maamulka Shabelle State ayaa imaanaysa xili Magaalada Marka iyo deegaano hoostaga ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay labo beel oo wada daga , waxa uuna Maamulkan uu balanqaaday in uu gacan ka geesan doono xalinta Colaadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada