Ciyaartoyda Mid kamid ah Xulalka ka qeyb galaya Koobka Aduunka oo Shaaciyay in ay ciyaarayaan iyaga oo soomaan

Ciyaartoyda Mid kamid ah Xulalka ka qeyb galaya Koobka Aduunka oo Shaaciyay in ay ciyaarayaan iyaga oo soomaan

daajis.com:-Xili la galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayey qaar kamid ah ciyaaryahanada ka qeyb qaadanaya koobka Aduunka sheegeen in ay soomi doonaan xiliga ay ciyaarayaan, halka qaar kale sheegeen inay afurayaan.

Marka laga yimaado Kooxaha Aljeeriya oo ah dal wada muslim ah iyo Nigeriya oo ay kooxdoodu kala badh yihiin muslimiin ayey sidoo kale ciyaartoyda muslimiinta u dheelaan xulalka sida Germany, France iyo Belguim, kuwaasi oo qaarkood caawa wada ciyaaraya ayey ku jiraan ciyaar yahano Muslimiin ah oo kamid yihiin Mesut Özil, Karim Benzema iyo Marouane Fellaini.

World-Cup-Xiliga Ramadaanka-2Ciyaaryahana qaarkood sida laacibka u ciyaaraha Germany ee Özil ayaa sheegay inay ku adkaan doonto inay soomaan xiliga ay ciyaarayaan.

Ciyaartoyada ayaa sheegay inay intooda badan dhibaato kala kulmi doonaan dhanka Haraadka maadaama goobaha lagu ciyaarayo ay yihiin kuwo aad u kulul.

Xulka Aljeeriya oo sanadkan doonaya inay ka aargutaan dalka Germany ciil ay u qabeen muddo 32 sano ah ayaa sheegay inay soomi doonaan xili ay la ciyaarayaan kooxdaasi Germany oo ay sidoo kale ku jiraan ciyaaryahano muslimiin ah.

Aljeeriya ayaa dooneysa inay ka aargudato Germany guuldaradii ciyaarihii 1982dii xiligaasi oo ay Groupka kuwada jireen, isla markaana heshiis hoose oo dhexmaray labada xul ee Germany iyo Austria ay ku heshiiyeen in Germany guuleysato si labadaasi kooxood oo is wata ay ugu gudbaan wareega labaad, xiligaasi oo Aljeeriya lagu reebay dhibcaha.

“…Diinteena muhiim bay nootahay marka waa inaan eegno sidan wakhtiga Ramadanka u soo bandhigi lahayn ciyaarteen…” ayuu yiri Djamel Mesbah oo kamid ah difaaca Aljeeriya. Sidoo kale Kabtanka xulka Aljeeriya Madjid Bouguerra ayaa sheegay in ciyaartooda caawa la leeyihiin Germany uu ciyaari doono isagoo Sooman.

World-Cup-Xiliga Ramadaanka-1“…Way dhici kartaa ciyaartoyda Qaarkood inay afuraan, balse aniga waan Soomi doonaa, dhibka ugu weyn uun waa sidii aan uga illaalin lahaa jirkeyga inuu biyaha ka dhamaado maadaama dhulka Brazil uu kulul yahay, balse waxaan rajeenayaa inay ii suurtowdo inaan caadi u ciyaaro….” Ayuu yiri Kabtan Madjid Bouguerra.

Dhakhaatiirta iyo gacanyarayaasha la socda Kooxaha kala gedisan ayaa ka fekeraya hababka ay ku caawin karaan ciyaartoyada Sooman xiliga ay ciyaarayaan sida farsamooyinka in jirkooda lagu shubo biyo mar walba iyo kahor ciyaaraha ay seexdaan iyo farsamooyin kale oo ay isku dayayaan inay ku gacansiiyaan ciyaartoyada go’aansata inay soonkooda sii wataan xiliga ay ciyaarayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada