Daawa Video:- Taalibaan oo Mareykanka qaabkii Filimada oo kale ugu wareejisay Askari 5 sano ay ka haysteen

Daawa Video:- Taalibaan oo Mareykanka qaabkii Filimada oo kale ugu wareejisay Askari 5 sano ay ka haysteen

daajis.com:-Taalibaan ayaa soo bandhigay muuqaalka qaabka ay ciidamada Mareykanka ugu wareejiyeen Askari mudo Shan sano ah gacanta ugu jiray.

Maliishiyada Daalibaan ayaa askarigan ku badashay Shan ka tirsan saraakiisha ururkaasi oo qaarkood xilal kasoo qabtay maamulkii Daalibaan.

Muuqaalka ay soo bandhigeen ayaa muujinaya askariga Bowe Bergdahl oo saaran baabuur qooqan ah, kadibna ay qaadeyso diyaarad helicopter Gobolka Khost ee dalka Afganistan.

Labada dhinac ayaa aad ugu feejignaa qaladaad ka dhex dhaca, wuxuuna dhinac walbo kusoo talagalay nolol ama geeri, iyagoo aad u hubeysan. Laakiin dhinaca Daalibaan ayaa muujiyay nabad, maadaama ay soo qaateen calanka cad ee tilmaamaya nabadda.

Sii deysmada askarigan iyo shanta kale ee Daalibaan ka tirsan ayaa waxaa dhex dhexaadinayay oo kasoo shaqeeyay Dowladda Qatar, iyadoo wada hadaladan ay ahaayeen kuwo qarsoodi ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada