Daawo Sawirada Nin Hubeesan oo dilay Ciidamo katirsan Booliiska Canada iyo baadi goob ninkaasi loogu jiro

Daawo Sawirada Nin Hubeesan oo dilay Ciidamo katirsan Booliiska Canada iyo baadi goob ninkaasi loogu jiro

daajis.com:-Nin hubeesan ayaa weerar waxa uu ku qaaday Ciidamo katirsan Booliiska Dalka Canada , waxa uuna ninkan weerarkaasi ku dilay Sadax kamid ah Ciidanka Booliiska halka laba kalana uu gaarsiiyay dhaawacyo halis ah.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa gurmadka ee gobalka New Brunswick ee Bariga Dalka Canada ayaa la galiyay heegan buuxa, waxaana socda howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo ninka hubeesan ee weeraray Ciidanka booliiska.

Booliiska Canada ayaa shaaciyay in ninka hubeesan ee dilay Askarta katirsan booliiska lagu magacaabo Justin Bourque oo 24 sano jir, ninkan ayaana wata qoray darandoori u dhaca ay uga buuxaan rasaas badan.

Justin Bourque ayaa barta uu ku leeyahay Facebooka waxa uu ku qoray kahor inta uusan weerarka qaadin hadalo aflagadao oo lidi ku ah Ciidamada Booliiska , waxa uuna ninkan kamid ahaa dadka u ololeeya in dadka loo fasaxo in ay hubka qaataan.

Ciidamada Booliiska ayaa ka codsaday dadka ku dhaqan degmada Moncton ee gobalka New Brunswick in ay guryahooda ku nagaadaan inta laga soo afjarayo howlgalka lagu baadi goobayo ninka hubeesan ee weerarka geestay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada