Daawo Sawirka:- Surwaalka kan ugu cimriga dheer aduunka oo lasoo bandhigay

Daawo Sawirka:- Surwaalka kan ugu cimriga dheer aduunka oo lasoo bandhigay

daajis.com:-Matxaf ku yaalo dalka Chine gaar ahaan magaalada Yanghai ayaa laga helay surwaalkii ugu cimiriga dheeraa aduunyada, surwaalkaan oo ah surwaal luga dheero ah ayaa la sheegay in uu matxafka ku keedsanaa in kabadan 3,000 (sadax kun) oo sano.

Science News ayaa daraasad lagu soo daabacay 22-05-2014 ku sheegay in surwaalkaan ay isticmaali jireen dadka fardaha fuula inta u dhexeesay 3,300 ilaa 3,000 oo sano ee la soo dhaafay.

Warbixintaan oo lagu soo daabacay Huffington Post maanta oo arbaca ah ayaa sheegay in qaarada yurub iyo Asia inteeda kale ay bilaabeen isticmaalka surwaalkaan balsa dalka Chine laga isticmaali jiray 4,000 sano kahor, 
surwaalkaan ayaa noqday xiligaas surwaalada ugu fiican ee lagashto.


Mudo sii horeesay ayaa la soo bandhigay surwaalka lagu magacaabo Cherchen Man kaas oo ahaa surwaal midibkiisa casaan ah laguna sheegay in uu yahay surwaalka aduunyada ugu cimriga dheer 2,600 sano, taariikhdaas waxaa jabiyay surwaalkaan oo ka cimri waynaaday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada