Daawo Muuqaal Layaableh:- Mid kamid ah Tv-yada Soomaalida oo Aayado Quraan ku furay Xaflad tartan heeseed ah iyo canbaareyn kusocota

Daawo Muuqaal Layaableh:- Mid kamid ah Tv-yada Soomaalida oo Aayado Quraan ku furay Xaflad tartan heeseed ah iyo canbaareyn kusocota

daajis.com:-TV-ga Horn Cable ee ku hadla Af-ka Soomaaliga, Ayaa ihaaneystay Quraanka Kariimka ah ka dib markii ay Aayado Quraan ah ku fureen Xaflad tartan heeseed ah, oo ay u qabteen dhalinyaro ku nool Magaalaa Hargeysa.Falkan uu ku kacay TV-gan ,Ayaa ah wax aad looga carooda Islamarkaana loo canbaareeyo waayo waa gaf iyo ihaano in Aayado Quraan ah lagu furo heeso iyo wax la mida ah.

TV-gan waa Horn Cable, ayaa galay labo danbi oo waa weyn oo u baahan in ay ka towbad keenaan, Islamarkaana ay raali gelin ka bixiyaan Maxaa yeelay waxa ay u gafeen marka hore Quraanka Kariimka ah ka dib markii ay ku fureen xaflad lagu heesaayey,Waa marka labaad, Waxa ay fududeeyeen fal ku xun Diinta Islaamka, Islamarkaana fasaadinayo dhalinyaradii Soomaaliyeed.

Runtii waa wax lala yaabo, in dad waa weyn oo Muslmiin sheeganayo in ay u dhaqmaan sidatan foosha-xun, Mana garanayo runtii waxa ku qasbayo in ay Aayado Quraan ah ku furaan xaflad lagu heesayo, Islamarkaana lagu cayaarayo,Waana sababta igu kaliftay inaan qoro maqaalkan si aan u difaaco Quraanka Kariimka ah,Islamarkaana aan u waaniyo Walaalihii ku kacay falkaasi.



Waxaa Iyadana wax lala yaabo ahayd, in la waayo dad yiraahda war Quraanka ha u gafina, Islamarkaana haku cayaarina Maxaa yeelay goobtan ma'ahan goob lagu aqriyo Quraan, Waayo waa goob lagu heesayo,Sidoo kalena lagu tartamayo.Dhacdadan foosha-xun ee lagu ihaaneystay Quraanka ayaa ku tusineysa halka ay u socdaan reer Hargeysa iyo waxa loo raadinayo goosi-isutaag.

Maadaama dadka daadihinayey xafladda ay ahaayeen dad waa weyn oo waliba Muslimiin ah,Waxa ay ahayd in aysan Quraanka ku furin xafladda oo ay sideeda u wataan, Maxaa yeelay Quraan iyo hees meel ma wada galaan.Sida ay qabaan Culimada Muslimiinta intooda badan heesuhu waa xaaraan marba haday wataan music iyo qalab la garaacayo.

Shaqsiyaadkii isugu yimid xafladdaasi, Ayaa ahaa kuwa ay ka muuqatay aqoondaro badan oo xagga diinta ah, gaar ahaan ninkii aqrinayey Aayaadkii Qur'aaniga iyo gabadhii daadihineysay Barnaamijka ka dib markii ay quraan ku fureen goob ay isugu yimaadeen koox fanaaniin ah oo ay waliba ka socotay tartan fanaaneed.Dhacdadan ayaa ah mid ugub,Waxaana oron karaa waa markii ugu horeysan oo aan arko Quraan lagu furaayo tartarn heeseed. 

Aamusnaanta badan ee Culimada Soomaalida gaar ahaan kuwooda ku nool deegaanada Somaliland,Ayaa keentay in si joogta ah loo ihaaneysto Diinta Islaamka tusaale ahaan, Calanka Maamulka Somaliland waxaa ku qoran Kalimadda Towxiidka,Waxaana lala tagaa Calankaasi goob kasta oo ay ka socoto xaflad lagu taageerayo Qadiyadda Somaliland.Xafladahaasi ayaa ah kuwa ay muuqato anshax xumo badan iyo fasaad xad-dhaaf ah,Waxaana u hayaa daliil cad (Youtube) ninkii dood qaba.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo aan Anigu ka mid ahay, Ayaa aaminsan in gooni-isutaagga Somaliland ay sabab u tahay kala duwaansho xagga dhaqanka ah oo u dhaxeeya Koonfurta iyo Waqooyiga tusaale ahaan, marka aad fiiriso sida ay balwadda ugu faaftay deegaanada Somaliland gaar ahaan Jaadka, Waxaa kuu soo baxaysa in wixii loo dagaalaayeyba ay ahayd in xoriyad badan loo helo waxyaabo badan oo aan diin ahaan wanaagsaneyn.

Falkan uu ku kacay TV-gan Horn Cable,Ayaa ah mid aan la aqbali Karin una u baahan in lagu canaanto si loo ilaaliyo sharafta Quraanka Kariimka ah, Sidoo kalena laga hortago in ay dhacaan falal noocaan oo kale ah,waana sababta aan u qorayo qormadan gaaban ee aan ku difaacayo Kalaamka Ilaahay, Sidoo kalena aan ugu nasteexaynayo walaalihii falkaasi sameeyey.

Dhacdadan lagu ihaaneeyey Quraanka ee aan ka waramayo,taasoo miftaax looga dhigay furitaanka tartan faneed haddaad u baahataan waxa aad ka heli kartaan Youtube-ka (Furitaanka Barnaamijka tartanka fanka iyo fanaaniinta Day one)

Hadaba si loo ilaaliyo Sharafta Quraanka, Islamarkaana looga hortago falal noocaan ah in ay dhacaan Muqtaqbalka,Waxa aan u soo jeedinayaa Maamulka TV-Horn Cable talooyinkan soo socda:-


1-In aad raali gelin ka bixisaan ihaanadii aad u geysateen Quraanka Kariim gaar ahaan Suratu Ikhlaas.

2-Inaydan ogolaanin Maamul ahaan in mar kale ay dhacdo dhacdo noocaan oo kale ah.

3-In aad Culimada kala tashataan Barnaamijyada aad u soo gudbineysaan dadweynaha Soomaaliyeed.

4- In TV-ga noqdo mid ka shaqeeya kheyrka iyo wanaagga Islamarkaana ka hortaga fasaadka iyo fisqiga ku dhex-faafayo Bulshada Soomaaliyeed


Waxii Talo iyo Tusaale ah ee ku aadan qormadan waxa ay gaar u tahay qofka ku saxiixan
W/Q:Maxamed B. Ibrahim
iidka1@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada