Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Muqdisho kusugan oo sii hurinaya Colaada ka aloosan Gobolka Sh/Hoose

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Muqdisho kusugan oo sii hurinaya Colaada ka aloosan Gobolka Sh/Hoose

daajis.com:-Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa hurinaya colaada qaab beeleedka ku saleesan ee kasoo cusboonaatay deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa kulamo kala gooni ah ku lahaa Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan kuwa uu quseeyo dagaalka kasoo cusboonaaday Magaalada Marka iyo deegaano hoostaga.

Xildhibaanada ayaa kulamadooda waxa ay u badnaayeen kuwa lagu sii hurinayo colaada kasoo cusboonaatay Gobolka Sh/Hoose , qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaana Warbaahinta kasii deenayay hadalo u muuqda mid colaada sii hurinaya dagaalna ku baaqaya.

Waxaa sidoo kale Dagaalka Gobolka Sh/Hoose dab kusii shidaya Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye iyo Dir , waxaana hada muuqda in dhinacyada ku dagaalamaya Gobolka Sh/Hoose , Masuuliyiinta Dowlada ugu jirta iyo Siyaasiyiintooda in aysan u bisleyn in la gaaro xal si loo joojiyo colaada kataagan Gobolkaasi.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalin kahor Magacaabay Guddi wasiiro iyo Xildhibaano ah kuwaa oo loogu tala galay in ay gaaraan goobihii lagu dagaalamay , hadana waxaa soo baxaya dib u dhac ku yimid Gudiga loo xil saaray xasilinta colaada Gobolka Sh/Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada