Daawo Sawirada:- Guddiga Olombikada oo qalab Isboorti ku wareejiyay maamulka ciyaaraha Kismaayo

Daawo Sawirada:- Guddiga Olombikada oo qalab Isboorti ku wareejiyay maamulka ciyaaraha Kismaayo

daajis.com:-Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa qalab isboorti ku wareejiyay guddiga ciyaaraha ee maamulka KMG jubba.


Qalabkaan isboorti oo isugu jiray Funaanado, Buumooyin, kabo, koobab iyo agabyada garsoorayaasha ayaa waxa ay guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ku wareejiyeen guddiga ciyaaraha ee magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba.

Xafladi ay qalabkan Isboorti ku wareejinayeen guddiga GOS ayaa waxaa ka qayb galay, wasiirka wasiir ku xigeenka arimaha Bulshada ee maamulka Jubba, gudoomiyaha degmada Kismaayo, iyo gudoomiyaha ciyaaraha ee gobolka Jubbadahoose.

Xoghayaha xiriirka Olobmikada Soomaaliyeed ee GOS Duraan Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in qalabkan isboorti iyo aqoonta horumarineed ay ugu deeqayaan maamulka ciyaaraha ee magaalada kismaayo si kor loogu soo qaado magaca isboortiga Soomaaliyeed ee gobollada Jubbooyinka.

Madaxda ciyaaraha ee maamulka KMG ah ee Jubba oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS kaalinta ay ka qaadanayaan kor u qaadista Isboortiga magalaada Kismaayo.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada