Colaadda Koonfur sudan oo heshiis laga gaaray

Colaadda Koonfur sudan oo heshiis laga gaaray

daajis.com:-Itoobiya ayaa sheegaysa in dowladda iyo Mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan ay ku heshiisyeen in ay soo afjaraan colaadda isla markaana ay dhisaan dowlad ku meel gaar ah muddo laba bilood gudahood.

Urur goboleedka IGAD oo dhex dhexaadinayay colaadda dalkaasi ayaa ka digay in uu xoog ku dhaqan gelin doono nabadda haddii labada dhinac ay u hoggaansami waayaan heshiiska.
Weriyayaasha ayaa sheegaya in hadalkani uu muujinaya sida ay xaaladda ugu cakirantahay hoggaamiyeyaasha koonfurta Suudaan ee madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar oo heshiisyo ay horey u galeen oo lagu doonayay in rabshadaha dalkaasi lagu soo afjara ay fashilmeen muddo saacada gudahood ah.

Heshiiskani ayaa daba socda kulan barbar socday kulanka IGAD oo ku dhex maray labada hoggaamiye magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
- BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada