Daawo Muuqaal:- Nin Keenyan ah oo horey uga tirsanaa Ciidamada Alshabaab oo nolol cabsi iyo wel wel Soo Waajahday!!+warbixin

Daawo Muuqaal:- Nin Keenyan ah oo horey uga tirsanaa Ciidamada Alshabaab oo nolol cabsi iyo wel wel Soo Waajahday!!+warbixin

daajis.com:-Nin Keenyaati ah oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada Alshabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa uu sheegay inay noloshiisa ay qatar weyn ku jirto oo uuna ka nool yahay nolol cabsi iyo wel wel baaxad weyn leh maadaama ay ku raad joogaan taageerayaasha Alshabaab oo damacsan inay dilaan maadaama uu ninkaas ka soo baxsaday Alshabaab islamarkaana uu sir badan oo uu haayey uu u gudbiyey dowlada dalka Kenya. 


Ninkaan Keenyaatiga ah oo lagu magacaabo Jeronimo Lokolonyei oo ka mid ahaan jirey ciidamada kooxda Alshabaab islamarkaana ka soo qeyb qaatey dagaalo badan oo ay ku lug laaheeyeen kooxdaas Alshabaab ayaa mudo sanooyina ka hor waxaa uu ka soo baxsaday kooxdaas Alshabaab asagoona wixii mudadaas ka dambeeyey ku dhuumaaleysnaayey tuulooyinka dalka Kenya , Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay inuu nin Kenyaati ah oo lagu magacaabo Sualah Abdulla Saciid uu u sheegay inay wacdi ku saabsan nabadgalyada ay ka soo faafin doonaan dalka Soomaaliya asagoona sheegay inay asaga oo ay weheliyaan sagaal wadaad oo kale ay u soo kicitimeen dalka Soomaaliya, Laakiin markii ay Soomaaliya yimaadeen inuu ninkii soo qalqaaliyey uu isbadalay oo uuna toogasho ku dilay ilaa 3 ka mid ahayd ragii ay wada socdeen mid kalena uu gowracay ka dib markii lagu eedeeyey inay ka horyimaadeen diinta islaamka, Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay inuu asaga iyo 4 ka mid ahayd ragii wadaada ahaa ee la socday ay ka soo baxsadeen Alshabaab oo ayna soo galeen dalka Kenya 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaan Kenyaatiga ah ee ka tirsanaan jirey kooxda Alshabaab uu sheegay inay ku daba jiraan oo uuna og yahay inay mar un dili doonaan ayaa waxaa kale oo uu ninkaas sheegay inuu cabsi awgeed uu ku tukada guriga oo uu ka baqaayo hadii uu aado masaajidka in laga soo raaco oo sidaasna lagu dilo, Ninkaan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xilligii uu ka tirsanaa ciidamad Alshabaab inuu qaatey tababar milatari islamarkaana uu gacantiisa ku soo dilay ilaa iyo 5 qofood oo lagu amray inuu dilo, Ninkaan Kenyaatiga ah ayaa waxaa uu sheegay inuu la yaabay hab dhaqanka Alshabaab oo uu ku tilmaamay mid aan ka turjumaynin dhaqanka Islaamka , Ninkaan ayaa markii uu ka soo baxsaday Alshabaab waxaa uu isku dhiibay dowlada dalka Kenya asagoona wixii macluumaad ahaa ee uu ka ogaa Alshabaab gaar ahaan xerooyinka tababarada iyo magacyada raga madaxda ah waxaa uu u gudbiyey dowlada dalka Kenya , Sidoo kale ayuu ninkaas waxaa uu u sheegay dowlada Kenya macluumaad ku saabsan ninkii tashkiiliyey oo ka shaqeeyey inuu aado Soomaliya kaas oo asagu hada ku xiran dalka Kenya ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu wax ka maleegay weerarkii Westgate mall iyo inuu xiriir kala dhexeeya kooxda Alshabaab. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada