Daawo Muuqaal :-Nin sheegay inuu is qarxinayo oo qalqal galiyey bartamaha Magaalada Stockholm ee Dalka Swedan!!

Daawo Muuqaal :-Nin sheegay inuu is qarxinayo oo qalqal galiyey bartamaha Magaalada Stockholm ee Dalka Swedan!!

daajis.com:-Shalay duhurkii ayaa isu socodka bartamaha magaalada Stockholm uu hakad galay mudo shan saacadood ah kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in nin walxaha qarxa wata uu galay xarun ay leeyihiin kooxaha difaaca xaquuda dadka ee loo yaqaan (Civil Rights Defenders) xaruntan oo ku dhow xarunta weyn ee xisbiga moderat-ka ee talada dalkan haya.

Ninkan ayaa dadkii xaruntaa ku jiray u ogolaaday inay ka baxaan balse waxa uu sheegay in hadii uu is qarxiyo uu baabi`in doono xarumaha halkaa ku dhow ee ay leeyihiin xisbiga moderat-ka iyo kan mucaaradka ah ee hantiwadaaga (social democrats) oo isagu waxoogaa kayar durugsan waxaanu isla markiiba polisku ku guuleysatey in ay xidhaan dhamaan wadooyinka waaweyn ,

Cabaar ka dibwaxaa poliska u suurta gashay inay taleefan kula xidhiidhaan ninkaas kadib markii uu soo dhiibay lambarka taleefankiisa, waxaana wadahadalka ninkan lala galay uu socday mudo shan saacadood ah, ka hor inta aanu isu dhiibin poliska.



Intii uu socday wada xaajoodku waxaa la joojiyey gaadiidka galaya ama ka soo baxaya bartamaha Stockholm gaar ahaan halka loo yaqaan Gamla stan iyo wadada wayn ee halbowlaha magaalada ee Svea Vägen oo uu ku yaal xafiiska xisbiga mucaaridka ah ee hantiwadaaga (social democrats) , waxaana lagu arkayey goobtaas dadka dalxiisayaasha ah ee sida weyn u booqda oo qaarkood ay khalkhalsanyihiin yihiin, halka qaarna ay daneynayeen in ay wax ka ogaadaan halka ay sheekadani ku dhamaato isla markaana ay sawiro ka qaadanayaan.

Ugu dambeyn ninkan ayaa is dhiibay fiidkii wadahadal dheer kadib waxaana muuqaalo tv-gu soo qaaday ay muujiyeen ninkan oo ka soo baxaya dhismihii uu ku jiray iskana furaya suun uu ku sheegay inay ku xidhan yihiin walxaha qarxa, sidoo kalena iska bixiyey surwaal iyo shaadh uu gashanaa isagoo garan cad iyo nigis qudha gashan gacmahana madaxa ku haya dibdib ugu soo baxay dhinacii ay boliisku ka joogeen , halkaa oo lagu qabtay.

War uu boliisku soo saaray waxa lagu sheegay in la baadhay walxaha uu ninkan watay balse la ogaaday inaaney khatar weyn ahayn, sidoo kalena waxa ay intaa ku dareen in ninkani aanu polisku hore u aqoon, taas oo ka dhigan in ninkani aan hore wax dambi ah loogu qaban.


Faisal Cadami
Stockholm Sweden
Source:-allbanaadir
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada