Daawo Sawirada:- Xukuumada Soomaaliya oo Dowladaha horumaray usoo bandhigtay fursado Maalgashi

Daawo Sawirada:- Xukuumada Soomaaliya oo Dowladaha horumaray usoo bandhigtay fursado Maalgashi

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shalay khudbad ka jeediyay fadhiga Shirka caalamiga ah ee horumarinta ,kaasi oo lagu cazuumay Wasiira arrima dibadeedyo,mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha Turkiga , kuwa Qaramada Midoobey,diblomaasiyiin iyo Wakiillo .

H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh waxa uu ku bandhigay shirkaasi fursadaha maalgashi ee ka bidhaamaya dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badaha iyo bariga, isagoo ugu baaqay dowladaha horumaray, ganacsatada iyo shirkadaha caalamiga ah inay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya colaado sokeeye oo muddo soo jiitamayay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ku faanay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika , dhul bacrinsan oo ku haboon beerashada,daaqa,dhir noocya kala duwan ,xoolaha la dhaqdo ,webiyo qulqula oo looga faa’ideysan karo waraabka iyo dab dhalinta korontada , isagoo tilmaamay in dalkiisu yahay marin istiraatiijiyadeed oo badahiisu isaga kala gudbaan maraakiibta,halka hawadiisu ay dulmaraan diyaaradaha ugu badan ee isaga tallaaba Afrika iyo Carabta .

Wasiirku , waxa uu cod dheer ku sheegay in si horumar balaaran oo dhanka dhaqaalaha , maalgashiga iyo dalxiiska loogu talaabsado , ay baahi weyn u qabto dowladdiisa taageero dhinacyo badan leh .

Shirkani oo ku dhammaaday jawi guul leh ayaa gelinkii dambe ee maanta la soo gaba-gabeeyay .

Dhanka kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa waxa uu kula kulmay Magaalada Stanbul maamulka hey’adaha UNDP H.E. Helen Clark oo ay isla faaqideen caqabadaha iyo horumarada ka jira dalka Soomaaliya .

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kaga mahadceliyay hey’adaha UNDP iyo kuwa kale ee qaramada midoobey howlaha ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya , isagoo muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ka filaneyso hey’adaha kala duwan ee Qaramada midoobey waxqabad muuqda oo sare u qaadi kara barnaamijyada horumarinta .

Dhankeeda , H.E. Helen Clark ayaa sheegtay inay xoojin doonaan mashaariicda horumarinta ee ay ka hirgeliyaan Soomaaliya , si loola dagaalamo saboolnimada,gaajada iyo jahliga .





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada