TopNews:- Hay'ada Nabadsugida ayaa sheegtay Magacyadooda Rag is qarxin raba oo soo gaalay Magaalada Muqdisho."Sebebtu maxey Tahay"?

TopNews:- Hay'ada Nabadsugida ayaa sheegtay Magacyadooda Rag is qarxin raba oo soo gaalay Magaalada Muqdisho."Sebebtu maxey Tahay"?

daajis.com:-Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa shaaciyay macluumaad ay sheegeen in ay ka heleen rag katirsan Xarakada Al-Shabaab oo soo galay Magaalada Muqdisho, kuwaa oo la tilmaamay in qorshahoodu yahay fulinta weeraro Ismiidaamin ah.

Afhayeenka laamaha Amaanka Somalia Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ay ka warheleen in rag katirsan Al-Shabaab iyo gaadiid ay wataan ay soo galeen Magaalada Muqdisho kuwaa uu sheegay in qaraxyo iyo falal kale oo amaanka lidi ku ah caasimada ka fulin rabaan.

Afhayeenka Booliiska ayaa shaaciyay Magcayada qaar kamid ah raga ay laamaha amaanka ka baadi goobayaan Magaalada Muqdisho kuwaa oo wata ilaa dhoor gaari ay ku jiraan Gaari Mini Bus ah oo taargdiisu tahay AB 945 iyo gaari kale oo nuuciisu yahay Tayota Noha ah Taargadiisuna tahay AB 786 .

Magacyada Raga la baadi goobayo waxaa kamid ah

1- Ibraahim Cabdi Raxmaan Axmed 
2- Maxamed Nuur Muunye
3- Cabdi Risaaq Yuusuf Aadan 
4- Maxamed Xirsi Yuusy
5- Maxamed Shirwac Cali
6- Xuseen Yuusuf
7- Cabdulaahi Raage Cumar
8- Maxamed Cabdi Cali
9- Xasan Cali Liibaan
10- Bilaal Aadan Qeyre


Afhayeenka Laamaha amaanka ayaa Shacabka Magaalada Muqdisho ka codsaday in ay soo wargaliyaan Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad Sugida hadii ay arkaan ama helaan Macluumaad ragan la raadinayo ku saabsan.


Dadka falanqeeya amaanka ayaa iseediinayaa waxa ku kalifay Laamaha amaanka in aysoo bandhigaan Magcayada iyo qorshaha dad doonaya in ay is qarxiyaan , waxaana suurto gal ah bay leeyihiin dadka falan qeeya amaanka in xubnahan Shabaab katirsan kaartadooda badalaan hadiiba laga war helay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada