Daawo Sawirada:- Qarax saakay lagu dilay Mid kamid ah Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Qarax saakay lagu dilay Mid kamid ah Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Allaha u naxariistee waxaa saakay qarax gaarigiisa loogu soo xiray oo ka dhacay Degmada Xamar Weyne lagu dilay Wariye Yuusuf Axmed Abuukar,(Keynaan) oo kamid ahaa Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho kana soo shaqeeyay Warbaahino kala duwan.

Qaraxa Wariyaha lagu dilay ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray gaar ahaan halka uu fadhiisto darawalka gaariga , xiliga uu qaraxu dhacayay ayaa la tilmaamay in Wariyaha uu kaligiis saarnaa uuna kusoo jeeday goobtiisa shaqada.

Mid kamid ah Wariyaasha gaaray halka uu ku qarxay gaarigii uu watay Wariye Yuusuf Keynaan ayaa sheegay in gaariga uu si x un u bur buray waxa uuna intaa raaciyay in xubno badan oo kamid ah jirka wariyaha uu qaraxu jar jaray.

Meydka Wraiyaha ayaa in mudo ah ku dhax jiray gaarigii lagu qarxiyay , Maamulka Degmada Xamar Weyne iyo Taliyaha Saldhiga Degmadaasi ayaa diiday in deg deg meesha looga qaado meydka Wariyaha ,waxa ayna waceen oo xili dambe goobta soo gaaray kana qaaday meydka saraakiil kasocotay Hay’ada CID-da.

Wariye Yuusuf Kwynaan ayaa kasoo shaqeeyay Wrabaahino kala duwan oo ka howlgala Dalka iyo dibadiisa , waxa uuna xiligan ahaa Tifatiraha Idaacada Mustqabla oo kamid ah Idcaadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxriistee Meydka Wraiye Yuusuf Keynaan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan lagu aaso qabuuro kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana xiligan Isbitaalka Madiina oo la geeyay Meydka Wariyaha buux dhaafiyay Wariyaal badan oo aad uga murugeesan dilka Saaxiibkooda loo geestay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada