Daawo Sawirada:- Gabdho Saxafiyiin ah oo qado sharaf loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Daawo Sawirada:- Gabdho Saxafiyiin ah oo qado sharaf loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

daajis.com:-Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Zahro Cumar Xasan ayaa shalay kulan Qado sharaf ah waxa ay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ugu sameesay gabdho Suxufiyiin ah oo ku mideesan Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha SWJ .

Kulanka qado sharafta ah ee Marwada Madaxwenaha Dowlada Federaalka Soomaaliya u sameesay Gabdhaha Suxufiyiinta ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa ujeedkeedu ahaa isbarasho iyo kala warqaad.
Marwo Zahro Cumar Xasan ayaa ku boorisay Gabdhaha Suxufiyiinta howsha adag ee u hayaan umada Soomaaliyeed , waxa ayna kula dar daarantay in ay u dhabar adeegaan xaaladaha adag ee dalka ka jirta ayna ku dadaalaan kor u qaadida kartida iyo aqoonta Gabdhaha Saxafiyiinta.

Qaar kamid ah Gabdhihii Saxafiyiinta ee Kulanka qado sharafta goob joog u ahaa ayaa u mahad celiyay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya , waxa ayna sheegeen in ay ku dadaali doonaan hormarinta Gabdahaha Suxufiyiinta ee ka howlgala Warbaahinta kala duwan ee Dalka ka howlgasha.

Kulanka qado sharafta ah ee Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Zahro Cumar Xasan shalay u sameesay Gabdhaha Suxufiyiinta ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u dagan . 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada