Sheikh Taageero u ahaa Al-shabaab oo la dilay.

Sheikh Taageero u ahaa Al-shabaab oo la dilay.

daajis.com:-Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya waxaa magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu dilay wadaad can ka ah magaaladaasi kaasi oo la sheegay in Alshabaab uu taageeri u ahaa.

Wadaadka oo lagu magacaabo Maxamed Idiris ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ay ku dileen bartamaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Maxamed Idiris ayaa madax u ahaa golaha imaamyada masaajida magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysay.

Robert Kitur, taliyaha ciidamada Mombasa oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay wadaan baritaano ku aadan dadka dilka ka dambeeyay , laakiin dilka uu dhacay waaberigii saaka, sida uu hadalka u dhigay.

Goobjoogayaal ayaa dhankooda u sheegay wargeysta New Vission ee kasoo dalka Uganda in wadaadka la dilay xili uu kusoo jeeday masaajid ku yaala magaalada Mombasa ee dalkasi Kenya.

Magaalada Mombasa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Kenya ayaa marar badan waxaa lagu dilay wadaado badan oo Muslimiin ah, iyadoo aan la ogeyn dadka dilalkaasi ka dambeeya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada