Gaas oo DF Somalia u goodiyay iyo RW Somalia oo ku wajahan Puntland.

Gaas oo DF Somalia u goodiyay iyo RW Somalia oo ku wajahan Puntland.

daajis.com:-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay socdaal shaqo oo ra’iisal wasaaraha xukuumadda fedaraalka uu ku imaanayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Gaas oo horrey ra’iisal wasaare uga soo noqday dowladihii KMG ah ee soo maray dalka ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay ka wadahadlaan arrimo badan oo quseeya calaaqaadka u dhexeeya dowladda iyo maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in uu si weyn u yaqaano ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo ay saaxibo muddo ahaayeen sidda uu yiri isla markaana uusan waxbo ka xumaan doonin kulankooda Wuxuu sheegay haddii ay dhacdo in la isku khilaafo arrimaha laga hadlaayo in Puntland ay qadan doonto go’aan kaasoo uu dhigaayo dastuurka u yaalla maamulkooda.

Mar uu ka hadlaayay guddi madax banaan oo loo sameeyay in ay dib u eegaan dasruurka dalka oo lagu soo daray wasiirkii hore ee haweenka Puntland Caasho Geelle wuxuu tilmaamay in maamulkooda uu ka dambeeyay arrintaas.

Si kastaba, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ma fiicneen in muddo balse waxaa tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Gaas billaabmay xiriir aan sidaas u buurneen.

Madaxweynaha Puntland ayaa yimid Muqdisho isagoo wata ciidan gaar ah balse xilligaas wuxuu ka qeybgalaayay aaska ra’iisal wasaarihi hore ee Soomaaliya Cabdirashaaq xaaji xuseen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada