daajis.com:-Erayga Faatixa macnahiisu waa “Furto”, waa magaca la siiyay suuradda
quraanka kariimka ah lagu furo, (opening chapter, waxay ka kooban tahay 7
aayadood. Waxaa lagu magacaabaa (ا م الكتاب) kitaabka hooyadii. Waa
tiirka 4aad ee 18ka tiir ee salaadda, rasuulkana scw wuxuu yiri: (لاصلاة
لمن لم يقرأ بام الكتاب) Salaad maleh qofkii aan Faataxada akhrinin,
kamana ansaxin.
Ilaah Subxaanu wa tacaalaa wuxuu nabigeena ku yiri: ( ولقد ءاتيناك
سبعا من المثانى و القرءان العظىم( ) Waxaan ku siinay 7 la celceliyo iyo
quraanka weyn, Alxijri (87). Faataxada waxaa lagu celicliyaan salaadda
dhaxdeeda, waxaana lasiiyay nabiga scws, lagu yiri: Indhahaaga ha u
taagan wax aan ugu raaxeynay nuucyo dadka ka mid ah, sidaasaana
sha,nniga faataxada u weyn.
Abkoowyaasheenii
waxay nagu dhihi jireen Faataxo waa faras mu,min. Farasku wuxuu ahaa
gaadiidkii ugu fiicnaa oo xlligoodii jiray, kuna gaari jireen meesheey
doonaan, faataxadana waxay aaminsanaayeen in qofkii niyadsami loogu maro
in liibaan ku gaari doono. Sidaas darteed, ma jirin wax ay ku
doorsadaan.
Magaalada Muqdisho, waxaan goobjoog u horaantii 80-naadkii, nin
macruuf aan ahaynay oo asagoo mooto saarnaa fatuurad lagu dilay iyo wiil
mid kale eryaayay oo kan dambe madaxa albaab ku dhufsaday, sidaana ku
geeriyooday, markii ehelkoodii diyo loo geeyay ay doorbideen in 4
faataxo loo maro.
Haddaba, sideey ku bilaabatay 4ta faataxo oo aan maanta isu marno
iskuna maslaxno? Sheekadu (legend) waxay leedahay in odaygii Cali
Cusmaan “Abgaal” (Camels, Ancestor) uu maalin damcay inuu rati gado.
Wuxuu u yeeray mid wiilashiisa ka mid ahaa, kuna yiri “Ratigaan soo
gad, qofkastoo qiimo kuu gaarana weyddii, Maxaa intaa dheeer?” wiilkii
qiimaha ratiga loo gaaray qof wax dheeri ah ugu daro waa waayay hal nin
maahee.
Kaasoo u gaaray inuu kaga iibsanaayo tiir (Beam), Wiilkii wuxuu
waydiiyay “Maxaa dheeri ah”? Ninkii wuxuu ugu jawaabay “4 faataxo”.
Sidaasuu ratigii uga gaday, uguna laabtay aabbahiis oo markuu guriga
yimid weyddiiyay.
“Maxaad ku soo gaday ratigii?” looguna jawaabay “Tiir: Maxaa dheeri
ah? 4 faataxaa ayaa loogu warceliyay”. Cali Cusmaan wuxuu ku qancay
beecii ratigiisa.
Waxaa la jarjaray tiirkii oo dab uu oday diirsado loogu shiday. Hase
yeeshee markii qaacii (smoke) dabka uu odagii ku baxay, waxaa dhacday
mucjiso la yaab leh.
Odayga oo indho beelay, indhihiiyaa u furmay, waxaa u soo noqday
araggiisii. Kolkaasaa indhoolayaashii degaanka oo idil ay maqleen in
reer Cali Cusmaan ay heleen tiir qaaciisa indhaha furo, kana soo
raadsadeen ayagoo u sido xoolo ka fara badan qiimo kastoo ratigaa laga
siin lahaa.
Sidaasey faataxada noogu timid waxaana lagu gaaraa liibaan uusan malaysan karin dadka qaarkiis.
warfaafiye FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at