Dowladda Mareykanka oo ka digtay in loo safro dalka Djibouti

Dowladda Mareykanka oo ka digtay in loo safro dalka Djibouti

daajis.com:-Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartey waxa ay ugu digtey muwaadiniinteeda in ay booqdaan dalka Jabuuti.

Qoraalkan ayey wasaarada arrimaha dibada ku sheegtey in ay heleyso warbixino xoogan oo muujinaya qataro argagixiso oo ka dhan ah  danaha reer galbeedka oo ay Mareykankuna ku jiraan.
 
Warkan ayaa lagu sheegey in qatarahan argagaxiso ay ku jiri karaan  weeraro ismiidaamin ah, baabuur Bambooyin lagu xiro, afduub, weerar lagu qaado duulimaadyada rayidka iyo maraakiibta xeebaha  Jabuuti isticmaalaya. Sidoo kale waxa ay sheegeen in weeraradaas lala eegan karo  dhismayaasha dowlada, safaardaha iyo xarumaha milatriga, sidoo kale waxa ay ka digeen weeraro lala eegan karo goobaha nugul sida Maqaayadaha, goobaha lagu caweeyo iyo ganacsiga.
 
Safaarada Mareykanka ayaa ka xakameysey shaqaaleheeda in ay tagaan agagaarka fagaraha Menelik, sidoo kalena waxaa looga digey in ay tagaan meelaha la isugu yimaado iyo maqaayadaha.  digniintan ayaa ah mid quseysa shaqaalaha dowlada, balse waxa ay kula taliyeen muwaadiniinta Mareykankana in ay taxadar muujiyaan.
 
24kii bishan May ayaa waxa laba qarax oo ismiidaamin ah lagu qaadey maqaayad ay ku badnaayeen reer galbeedka oo ku taala bartamaha magaalda Jabuutii, hal qof ayaa ku dhintey tirokalena waa ay ku dhaawacmeen. masuuliyada qaraxyadasa ayaa waxaa sheegtey ururka Al-shabaab.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada