Daawo Video:-Iskool weyn oo ay ka dhistay Magaalada Hargeysa Maryan Mursal Ciise oo la Dumiyay!!WHY"

Daawo Video:-Iskool weyn oo ay ka dhistay Magaalada Hargeysa Maryan Mursal Ciise oo la Dumiyay!!WHY"

daajis.com:-Fadeexad iyo ceeb tii ugu weyneyd abid ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday maamulka Soomaaliland ka dib markii iskool weyn oo ay ka dhistay magaalada Hargeysa fanaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise la burburiyey oo dhulka la dhigay gebi ahaantiis iyadoo lagu cunsuriyeeynaayo inay fanaanadu ay ka soo jeedo dadka la heyb sooco ee loo yaqaano gabooyaha.

Iskool weyn oo isugu jira masaajid iyo goobo ay caruurta ku cayaaraan oo ay magaalada Hargeysa ay ka hirgalisay fanaanada weyn ee caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa waxaa la sheegay in gebi ahaantiisa la burburiyey madaama loo arko inay ka soo jeedo fanaanadu dadka la heyb sooco ee loo yaqaan gabooyaha, Fanaada Maryan Mursal Ciise oo iskoolkaas ka dhistey magaalada Hargeysa ayaa waxay ugu magac dartey ama ay ku magacaawday abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Laakiin iskoolkaas ayaa waxaa la sheegay in la burburiyey gebi ahaatiisa iyadoo sida uu sheegay Maxamed Mooge oo ka mid ah dadka gabooyaha in ninkii ka masuulka ka ahaa burburinta iskoolkaas uu hada ka mid yahay madaxda golaha degaanka ee magaalada Hargeysa oo ayna u muuqato in howshaas uu ku burburiyey iskoolkaas lagu abaalmariyey.


Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay tahay wax laga xumaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaqanka iyo caadada foosha xun ee lagu midab soocaayo dadkaas loo yaqaan gabooyaha ayaa waxaa ugu horeyntiiba uu iskoolkaas murankiisa bilaabmay ka dib markii uu Hadraawi uu diiday in iskoolkaas lagu magacaabo iyadoona ay arintaas ku riday niyad jab fanaanada Maryan Mursal Ciise oo ku sharaftey magaca iskoolkaas abwaan Hadraawi, Sida uu sheegay Maxamed Mooge ayaa sirta ka dambeysa in iskoolkaas loogu magac daro Hadraawi waxay ahayd in iskoolkaas uu ku badbaado magacaas, Fanaanada Maryan Mursal Ciise ayaa waxay ka mid tahay taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyadoona inta badan ka soo muuqata xafladaha iyo munaasabada lagu weyneynaayo maamulkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada