Xarakada Islaamiga Al-islaax:- oo bayaan kasoo saartay ka qeyb galka Madaxweynaha Somalia Caleema Saarka Siisii

Xarakada Islaamiga Al-islaax:- oo bayaan kasoo saartay ka qeyb galka Madaxweynaha Somalia Caleema Saarka Siisii

daajis.com:-Bayaan kasoo baxay Xarakada Islaamiga ah ee geeska Afrika (Al-islaax) ayaa waxaa lagu dhaliilay ka qeyb galkii Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee Xafladii Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Masar, Cabdi Fitaax Siisii.

Bayaanka oo dhowr qodob ka koobnaa waxaa saxaafada u aqriyay xoghayaha guud ee Xarakada Islaamiga ah ee geeska Afrika (Al-islaax) Mudane Maxamed Cabdullahi Tawakal, waxa uuna u dhacay sida tan:

Xarakada Islaamiga ah ee geeska Afrika (Al:Islaax) waxa ay rumeuysantahay in mabaadi’da xuquuqul-insaanka sida xoriyada doorashada madaxda lagu kalsoonyahay iyo maamul wanaagga ku dhisan cadaalada, sinaanta & wadaaga ay tahay mabaadi’ muqadas ah oo ku qotonta qiimeynta iyo qadarinta aadanaha.

Sidoo kale waxa ay xarakadu araktaa in maqnaanshaha ixtiaamka mabaadi’daas ay tahay sababta aasaasiga ah ee dib u dhigtay horumarka inbadan oo ka mid ah shucuubta caalamka oo shacabka Soomaaliyeed kamid tahay, Sidaa darted:

Waxa ay Xarakadu canbareyneysaa dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah Shucuubta sida nabadgalyada ah ugu halgameysa in ay helaan Xoriyad, Cadaalad iyo Dimuquraadiyad dhab ah, gaar ahaan shucuubta Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Waxa ay xarakadu dhaleeceyneysaa gumaadka bahalnimada ah iyo afganbiga akhlaaqla’aanta ah ee ka dhacay dalka Masar Waxa ay Xarakadu cadeyneysaa in ay xaaraantahay sharcigana khilaafsantahay u hanbalyenta, dhiirigelinta iyo ka qeyb galka caleema saarka danbiile dadkiisi gumaaday, isla markaana waxa ay canbaareyn adaga u jeedineysaa ka qeyb galka madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud caleema saarkaas.

Ugu Danbeyn Xarakadu waxa ay ku boorineysaa madaxda qaranka Soomaaliyeed in ay hirgeliyaan kuna tilmaansadaan mabaadi’da iyo qiyamka ku qotoma ixtiraamka nafafta Aadanaha iyo Sharaftiisa
Xoghayahay Guud ee Xarakada Mudane Maxamed Cabdullahi Tawakal


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada