Daawo Sawirada:- Gawaarida aan xabadda karin oo dowladdu Soomaaliya lagu wareejiyey+warbixin

Daawo Sawirada:- Gawaarida aan xabadda karin oo dowladdu Soomaaliya lagu wareejiyey+warbixin

daajis.com:-Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Soomaaliya maanta ku wareejisay Gawaari nooca aan xabadda karin ee loogu talagalay madaxda iyo hey’adaha ammaanka.

Munaasibadda Gaadiid gaaraya ilaa 11 oo ah nooca aan xabbadda karin lagula wareejinayey dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay agaasimaha madaxtooyada Qaranka, Taabid Maxamed iyo sidoo kale Dajiraha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-Cusmaan, waxa ayna ka dhacay xarunta safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho.

Dajiraha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Maxamed Axmed Al-Cusmaan ayaa munaasibadda ka sheegay in Gaadiidkan ah nooca aan xabadda karin in uu qeyb ka yahay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyada Waxbarashada, Caafmaadka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, Bisha Ramadaan ayuu tilmaamay in ay bixin doonaan Kaalmooyin shacabka Soomaaliyeed lagu caawin doono.

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka, Mudane Taabid Maxamed, oo wakiil ka ahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey gaadiidkan muhiimka ah ee ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta  ugu deeqday, waxa uu sheegay in xiriirka labada dowladood oo ah mid ballaaran ay keentay in Kaalmo dhinac walba ay bixiso dowladdan, isla markaana ay ka rajeynayaan in ay intaan ka sii xoogeysan doonto taageerada dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Soomaaliya ugu yaboohdo.

Daawo Sawirada







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada