Layaab:- Dhakhar Sixiroole ah Oo Udhashay Dalka Ghana Oo Sheegay Inuu Isagu Kadanbeeyo Dhaawaca Cristiano Ronaldo

Layaab:- Dhakhar Sixiroole ah Oo Udhashay Dalka Ghana Oo Sheegay Inuu Isagu Kadanbeeyo Dhaawaca Cristiano Ronaldo

daajis.com:-Sixiroole u dhashay wadanka Ghana ayaa sheegay inuu isagu masuul ka yahay dhibaatada dhaawac ee haysata laacibka ree Portugal ee Ronaldo, kaas oo sheegay inayna dhakhaatiirtu dawyn Karin dhaawacan. Ninkan ayaa sheegtay inuu taas u samaynayo inuuna Ronaldo ka hor inan xulkiisa Ghana oo ay isku group yihiin Portugal.

Ninkan oo magaciisa layidhaa Nana Kwaku Bonsam ayaa sheegay inuu arintan in muddo ahba ka shaqaynayay wuxuuna yidhi: “Waa ogahay waxa ay yihiin dhaawacyada Cristiano Ronaldo, aniga ayaa ka shaqaynaya arintiisa” sidaana wuxuu u sheegay dhakhtarkan sixiroolaha ahi idaacad laga leeyahay dalka Ghana.
“Arintan aad ayaan ugu dadaalayaa. Todobaadkii hore waxaan doonayay 4 Ay waanan helay si aan arintan ugu isticmaalo. Arintan waxaan sheegay afar bilood ka  hor inaan ka shaqaynayo inaan Ronaldo u diido koobka aduunka ama ugu yaraan aan ka hortago inuuna ciyaarin kulanka Ghana iyo Portugal. Sida ugu wacan ee aan samayn karaa waa inuuna Ghana ka hor iman.

“Ma jiro dhaawacan dhakhaatar daawayn karaa, ma arki karaan waxa sababaya dhaawacan waayo waa waxaan la arki karin. Maanta waqa jilibka, barina waa bawdada maaalinta kale na waa meel kale.
Ghana ayaa Portugal la ciyaaridoonta June 26 iyagoo ku ciyaaridoona Brasillia kulankaas oo noqondoona kulanka ugu danbeeya Group G.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada