Daawo Sawirada:- Ardayda Soomaaliyeed oo siweyn uga soo dhex muuqday Bandhig Dhaqameed Cajiib ahaa.

Daawo Sawirada:- Ardayda Soomaaliyeed oo siweyn uga soo dhex muuqday Bandhig Dhaqameed Cajiib ahaa.

daajis.com:-Bandhig dhaqameed loogu magac darayn todobaadka is dhax galka ayna ka qeyb galeen ardayda Dalalka kala ah Soomaaliya iyo labada Sudan oo qaban qaabadiisu ay lahaayeen maamulka kuliyada imaaraad ee ku taala Caasimada Khartuum ee Dalka Sudan .

Ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta kuliyada Imaaraad oo tiradoodu gaareysa boqolaal arday oo si weyn isku soo abaabulay ayaa bandhig dhaqameed aad u xiisa badan ku soo bandhigay fagaarada kuliyada ayna usoo daawasho tageen kumanaan ruux oo aad u soo jiitay ciyaaraha quruxda badan ay soomaalidu ku soo bandhigeen .

Hadana wax yaa baha soo jiidashada leh ee ay soo bandhigeen ardada Soomaalida ayaa waxa ka mid ahaa dhisme laga matalayay aqal Soomaali, weelasha geedaha laga qoro, Cunooyinkala duwan, sawiro ka tarjumaya beeraha iyo waxsoo sarka dalka, iyaga oo dhanka kale si quruxbadan u soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo jiib iyo jaan qaadka kooxihii soo bandhigayay ay ku indha daraan dareen dhamaan ka soo qeyb galkii munaasabada .

Maamluka kuliyada oo qubaradii munaasabada ka soo qeyb gashay ayaa aad ugu amaanay dowrka weyn ay ardayda Soomaaliyeed uga qeyb qaateen bandhig dhaqameedka waxayna ku dhiira galiyeen dadyowgii kale ee ka soo qeyb galay in ay ardayda Soomaaliyeed uga daydaan hanaanka qiimaha leh ay wax usoo bandhigeen .

Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee bandhig dhaqameedka soo bandhigay Maxamed Muxu yadiin Aadan oo gaba gabadii bandhiga ka hadlay ayaa umahad celiyay dhamaan intii usoo dhaawashada tagtay wuxuuna balan qaadaayay in ay sii xoojinayaan hor marinta dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed iyo qabashada bandhig dhaqameedyo waa weyn .

Bandhig dhaqameedkani oo ahaa mid ay Soomaalidu wacdaro layaab leh ka dhigay ayaa ku soo dhamaaday jawigii loogu tala galay .







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada