Golaha Wasiirrada oo soo dhoweeyey Dajiraha Mareykanka u soo magcaabayo Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo soo dhoweeyey Dajiraha Mareykanka u soo magcaabayo Soomaaliya

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey qorshaha ay dowladda Maraykanku safiir ugu soo magcaabayso Soomaaliya, tallaabadaasi oo kor u qaadaysa xiriirka diblamaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ka hadlayey shirka ayaa yiri:
“Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanku waa mid muddo soo jiray oo lahaa maalmo wanaagsan, waxay labada qaran ay maanta diyaar u yihiin inay xoojiyaan xiriirkaasi oo faa’iido wada jir ah leh. Tallaabadani waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay dib u soo ceshanayso kaalinteedii caalamka.

“Xiriirka diblamaasiyadeed ee labada dal waa mid muhiimad u leh labada shacab si la is kaga kaashado dhinacyada muhiimada wada jirka ah leh.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadaysaa tallaabo la mid ah tan Maraykanka oo lagu adkaynayo cilaaqaadka diblamaasiyadeed ee labada ummadood.

“ Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xiriir diblamaasiyadeed oo wanaagsan la yeelato beesha caalamka si ay gacan uga geysato waajibka caalamiga ah ee saaran iyo u adeegista danaha Soomaaliya iyo masaalixda la wadaago ee dalalka iyo adduun-weynahaba”


Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay Hindise-sharciyadeedka Dib-u-habaynhta Hanti-dhawrka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuuamadda Federaalka Soomalaiya.Hanti-Dhawrka oo dib –u-habayn lagu samaynayo ayaa asaas u ah qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee la dagaalanka musumaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka.

“ Hanti-dhawrku waxa uu muhiimad weyn u leeyahay ilalainta hantida qaranka, isagoo leh awoodo uu ku dabagalo xafiisyada dowladda. Xilliyadii la soo dhaafay waxaan xoojinay shaqada iyo waxqabadka Hanti-dhawrka dalka. Dib-u-habaynta Hanti-dhawrku waxay leedahay muhiimad gooni ah si loo xaqiijiyo hadafyada la hiigsanayo. Ayuu yiri Hanti-dhawraha Guud mudane Dr. Nuur Faarax.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada