Xubno ka soo jeeda Gobolada Dhexe oo maanta ku yeeshay Muqdisho shirweyn dib u heshiisiin ah

Xubno ka soo jeeda Gobolada Dhexe oo maanta ku yeeshay Muqdisho shirweyn dib u heshiisiin ah

daajis.com:-Shirweyne ay isugu yimaadeen xubno ka soo jeeday Beelaha H/gidir oo isugu jiray Odayaal, aqoonyahanno, Siyaasiin, ganacsato masuuliyiinta maamullada gobollada iyo Xildhibaano ka soo jeeda gobollada dhexe oo looga hadlayey sidii dib u heshiisiin looga dhallin lahaa deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.


Shirweynahan dib u heshiisiinta dadka degan deegaannada gobollada dhexe, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dhammaan waxgaradka iyo madaxda ka soo jeedda deegaannadaasi, waxaana looga arrinsanayey sidii dib u heshiisiinta loo gaarsiin lahaa dhammaad deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya, si loo helo nanad waarta iyo maamul loo dhan yahay oo ay helaan dadka gobolada dhexe.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay shirweynahan guddoomiyaha cusub ee guddiga dib u heshiisiinta gobollada dhexe Imaam Bashiir Salaad (Dhoolayare), waxa uuna ugu baaqay dhammaan dadka ka soo jeeda deegaannada gobollada dhexe in ay u diyaar garoobaan shirweyne guud oo dib u heshiisiin ah, kaas oo ka dhici doona degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, si nabadda iyo dhisidda maamul loo dhan yahay loo gaaro.


Guddoomiyaha guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka, Mudane Ismaaciil Macallin Muuse oo isagana shirkii maanta ka qeyb-galay ayaa si weyn uga mahadceliyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada dhexe ee dalka sida ay u garteen in ay abuuraan jawi dib u heshiisiinneed oo hormuud u noqda wax wada qabsi iyo horumar, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay arrintan ku daydaan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda gobollada dhexe, ayaa tilmaamay in masuuliyiinta dowladda ka tirsan ee gobollada dhexe ka soo jeedda ay diyaar u yihiin in ay taageeraan shirarka dib u heshiisiinneed, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey guddigii qaban qaabada shirweynaha.

Xildhibaannadii shirweynaha ka qeyb-galay oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cumar, ayaa ugu baaqay dadka degan gobolka Shabeellada Hoose in ay ka qeyb-qaataan xasiloonimada iyo dib u heshiisiinta, si looga gudbo colaadaha dabada dheeraaday.

Shirweynihii maanta ayaa waxaa lagu go’aamiyey in 15-ka bishan la diro guddiga dib u heshiisiinta si ay u tagaan magaalada Cadaado oo ah halka shirweynaha guud lagu qaban doono, waxaana 15-ka ilaa 30 bishan June la qaban qaabin doona shirka si loo soo gabagabeeyo dib u heshiisiinta.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada