Daawo Sawirada:- Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo maanta xukun dil iyo xabsi ah ku riday rag katirsanaa Al-Shabaab

Daawo Sawirada:- Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo maanta xukun dil iyo xabsi ah ku riday rag katirsanaa Al-Shabaab

daajis.com:-Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xuuno isugu jira dil iyo xabsi ciidan waxa ay ku riday rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab kuwaa oo la sheegay in ay dileen askari katirsanaa Ciidanka Dowlada kana qaateen qorey uu watay.

Maxkamada ayaa maanta la horkeenay shan dhalinyaro oo loo heestay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayna ka dambeeyeen dil degmada Hodan ee Gobolka Banaadir loogu geestay Askari katirsanaa Ciianka Dowlada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow , ayaa sheegay in Maxkmada ciidanka Qalabka sida ay maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heesto shan dhalinyaro ah oo loo heestay in ay Shabaab katirsan yihiin ayna dileen Askari katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka isugu jira dil iyo xabsi ciidan oo ay ku riday ilaa iyo shan eedeysane, kuwaasi oo uu ku sheegay Gudoomiyaha in lagu helay dambiga ay galeen.

Maxkmada Ciidanka Qabalka sida ayaa dhawana sidan oo kale xukun dil iyo xabsi ah ku riday xubno katirsanaa Al-Shabaab oo loo heestay in ay ka dambeeyeen dil loo geestay gabar Jaamiciyad aheed.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada