Boob iyo dil Koonfur Afrika loogu geystay ganacsato Soomaali ah

Boob iyo dil Koonfur Afrika loogu geystay ganacsato Soomaali ah

daajis.com:-In ka badan 20 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa shalay ilaa xalay lagu boobay tuulooyin hoostaga magaalada Pretoria ee caasimadad dalka Koonfur Afrika, iyadoo dil iyo dhaawac na loo geystay ganacsato Soomaali ah.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa weerar kusoo qaaday dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah, iyagoona dilay hal ganacsade, halka saddex kalena ay dhaawac u geysteen.
 
Weerarka kadib ayaa waxaa dukaamadaasi kusoo xoomay dadka deegaanka oo boob lixaad leh u geystay dukaamadaasi ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo boobkana uu ku fiday qaar ka mid ah tuulooyinki u dhowaa tuulada uu boobkan ka bilaawday.
 
Booliska Koonfur Afrika ayaa soo gaaray goobta uu dilka iyo boobka ka dhacay, waxaana Boolisku ay xoogga saareen badbaadinta ganacsada kale, iyagoo booliska ku adkeystay inaysan isku badbaadi karin hantida iyo dadka.
 
Ganacasadaha geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shariif Shukri Cabdi Xuseen.
Wixi warar ah ee kusoo kordho kala soco Daajis.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada