Maliishiyo Dagaal kula wareegtay gacan ku haynta degmada Marka

Maliishiyo Dagaal kula wareegtay gacan ku haynta degmada Marka

daajis.com:-Dagaal khasaare xoogan geystay ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Marka, kaasoo u dhaxeeyay maliishiyo beeleed mudooyinkaan isku hayay gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana saakay u suuragashay mid ka mid ah maliishiyadaasi inay la wareegaan gacan ku haynta degmada Marka.

Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 12 qof, Afartameeyo kalena way ku dhaawacantay. iyadoo  dagaalkaan uu ahaa mid ka bilowday deegaanka Buufoow oo aad ugu dhow Marko, saakayna gudaha u galeen degmada Marko.

Dagaalkaan ayaa in ka badan 14 jeer kusoo noqnoqday gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in beelaha Biyamaal iyo Habar Gidir oo ah kuwa isku haaya maamulka iyo arrimosiyaasadeed oo aan meesha ka marneyn.

Guddoomiyaha degmada Marko Maxamed Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay in isaga iyo ilaaladiisa ay xalay isaga baxeen magaalada Marka, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaaladan weli wax go'aan ah kama qaadan, hase ahaatee waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu joojiyo dagaaladan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siiddii ayaa VOA-da u sheegay isagoo Muqdisho ku sugan inuu wado dadaallo dagaalladan lagu qaboojinayo, isagoo xusay in dagaalladan ay markii hore ka billowdeen muran dhul, balse la siyaasadeeyay.

“Inta aan ogahay dagaalladan waa markii 14-aad oo beelahan ay ku dhexmaraan gobolka Shabeellada Hoose, runtiina waa dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kuwo ka haray, waana ka xunnahay inay dagaalladan noqdaan kuwo sii socda,” ayuu yiri C/qaadir Siiddii.

Waxgaradka iyo culummada Soomaalliyeed ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalku uu ku dhexmarayo gobolka Shabeellada Hoose inay si dhaqso ah ku joojiyaan ayna khilaafaadkooda si nabad ah ku xalliyaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada