Mareykanka oo u digay muwaadiniintiisa ku sugan dalka Jabuuti

Mareykanka oo u digay muwaadiniintiisa ku sugan dalka Jabuuti

daajis.com:-Wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Jabuuti u jeedisay digniin ah ineysan tegin goobaha fagaarayaasha ah iyo Hoteelada waaweyn si aysan ula kulmin halis argagixiso.


Warbixintan ayaa lagu sheegay in ay sii kordhayaan warbixino sheegaya iney kusoo wajahan yihiin weeraro argagixiso oo ka dhan muwaadiniinta Marreykanka ee ku sugan Qaarada Afrikagaar ahaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwooda ku sugan.

“Warbixinnada aan helayno way sii kordhayaan ee ku saabsan inay soo wajahan yihiin weerarrada argagaxiso ee ka dhanka ah shaqsiyaadka Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika, marka waxaan uga digaynaa shacabka Mareykanka inay ka fogaadaan goobaha ay khataraha argagaxiso ka dhici karaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaa kaloo digniintaan lagu sheegay in shaqaalaha Safaarada Marerykanka ee Jabuuti ka fogaadaan goobaha saxmada ah, baararka iyo hoteelada si aysan ula kulmin weeraro argagaxiso.

“Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waa inay ka fogaadaan hoteellada, baararka iyo goobaha kale ee ay shacabku isugu yimaadaan,” ayaa lagu yiri warka wasaaraddu ay soo saartay.

Dowladda Jabuuti ayaa aad u adkeysay amaanka xarumaha dowladda, safaaraddaha iyo hoteelada waaweyn, iyadoo ka feegigan weeraro argagixiso oo la mid ah kuwii dhacay 24/kii bishii lasoo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa mas´uuliyada weerarkaasi sheegatay, iyadoo tilmaamtay inuu ahaa mid qorsheysnaa oo mudo laga shaqeynayay, kuna beegsanayeen ajaaniibta ku sugan Jabuuti.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada