Daawo Sawirada:- Lamaane Weerar dhimasho dhaliyay ku qaaday xarumo ganacsi oo kuyaala Dalka Mareykanka

Daawo Sawirada:- Lamaane Weerar dhimasho dhaliyay ku qaaday xarumo ganacsi oo kuyaala Dalka Mareykanka

daajis.com:-Lamaane Hubeesan ayaa weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay waxa ay ku qaadeen Goobo ganacsi oo kuyaala Magaalada Las vegas ee Dalka Mareykanka halkaas ay ku dileen ilaa Sadax qof.



Sida ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka lamaanahan hubeesan ayaa ugu horeyn galay goob Maqayaad ah halkaas ay ku toogteen labo sargaal oo katirsanaa Ciidamada Booliiska Mareykanka oo raashin ka cunayay maqaayada .

Lamaanaha hubeesan ayaa sidoo kale weerarkaasi kadib galay Dukaanka weyn ee Walmart oo ku dhawaa halka ay ku dileen labada Sargaal , waxa ayna dukaanka ku dhax dileen qof kale,

Ciidamada Booliiska oo deg deg goobta kusoo gaaray ayaa rasaas isweedaarsadeen lamaanihii weerarka geestay , waxaana la sheegay in ay goobta isku toogteen lamaanihii weerarka fuliyay.

Warbaahinta qaarkood ayaa tabisay in Haweeneydii hubeesneed ay toogatay lamaanaheedii lasocday iyadoona xiligaa kadib is toogatay , Ciidamada Booliiska ayaana halkaasi ka qaaday meydadka kooxihii weerarka geestay.

Ciidamada booliiska ayaa wada baaritaano ku aadan sababta ka dambeysa weerarka ay geesteen lamaanahan ee dilay ilaa sadax qof ugu dambeyna iyaga is toogtay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada