Daawo Sawirada:- Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday raggii dilay gabar ardayad aheyd

Daawo Sawirada:- Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday raggii dilay gabar ardayad aheyd

daajis.com:-Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday labo nin oo ku eedeysnaa dilkii Nafiso Cusmaan Salaad oo aheyd gabar ardayad ka qalan jabisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya, taasoo bishii hore lagu dilay agagaarka warshada Coca-cola.


Labadan wiil oo lagu kala magacaabo Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdicasiis ayaa waxaa wehlisa Haweeney lagu magacaabo Deeqa Dirac oo iyadana 10 xabsi ciidan ah lagu xukumay, taasoo ka caawin jirtay ama fududeyn jirtay adeegyada ay raggana u baahdaan.


Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdicasiis ayaa horay u qirtay in mid walba oo la dhacay bastoolado ay haysteen gabadhan ay dileen.


Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda ku riday saddexdaasi qof, isagoo digniin u diray kuwa kale ee welii ku danbeeya Al-Shabaab isla markaana dilalka geysta.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada