Daawo Sawirada:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeesan mid kalana gacanta ku dhigay

Daawo Sawirada:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeesan mid kalana gacanta ku dhigay

daajis.com:-Ciidamo katirsan Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku toogtay nin la sheegay in uu la socday gaari dad rayid ah rasaas kula furay Agagaarka Isgooska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Raga hubeesan oo watay gaari Nuuca Noah loo yaqaan waxaa eryaday gawaari dagaal ay lahaayeen ciidamada Nabad Sugida, waxaana labada dhinac qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ku dhax maray israsaaseyn mudo kooban socotay.

Ciidamada Dowlada ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in gaarigii ka baxsanayay ay ku qabtaan Isgooska Bakaaraha , waxa ayna Ciidamada Dowlada gacanta ku dhigay meydka mid kamid ah ragii hubeesnaa ee gaariga saarnaa mid kalana waxaa la sheegay in ay nolol kuqabteen.

Wali lama oga ragan hubeesan oo qaarkood la sheegay in ay wateen dareeska Ciidanka dowlada cida ay ka tirsanaayeen , waxaana baxsaday rag kale oo la socday gaariga ay Ciidamada Nabad Sugida Dowlada gacanta ku dhigeen.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada