Ciidamada XDS Oo Howlgal Ay Ka Sameeyeen Nawaaxiga Buulo Barde Ku So Qabtay Maleeshiyaad Iyo Hub

Ciidamada XDS Oo Howlgal Ay Ka Sameeyeen Nawaaxiga Buulo Barde Ku So Qabtay Maleeshiyaad Iyo Hub

daajis.com:-Dhagarqabayaal ka tirsan Shabaab iyo hub ay wateen ayaa maanta lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka XDS Col. Tawane Axmed Gurey oo ayaa sheegay in howlgalka ay sidoo kale ku soo furteen raashin ay horay u xanibeen maleeshiyaadka  Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in howlgalkani uu ka dambeeyay kaddib marki maleeshiyaadka Shabaab ku hanjabeen in muddo ku ekeyd maanta ay ku go’doominayaan gaadiidka gala Buulobarde.

Taliaye Tawane Axmed Gurey ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah ,aleeshiyaadka Shabaab si shacabka ku nool deegaannadaas looga dulqaado dhibaatada ay ku hayso argagixisada..


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada