Dowladda Jabuuti oo shaacisay magacyada iyo meelaha ay kasoo jeedaan Labadi qof ee isqarxisay

Dowladda Jabuuti oo shaacisay magacyada iyo meelaha ay kasoo jeedaan Labadi qof ee isqarxisay

daajis.com:-Dowladda dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday magacyada iyo haybta ay kasoo jeedaan laba qof oo ka dambeysay qaraxii 24-ki bishaan ka dhacay caasimadda dalka Jabuuti.

Xeer ilaaliyaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Maki Cabdulqaadir ayaa manta warbaahinta la hadlay isagoo faah-faahin ka bixiyay baaritaanadi ay dowladda Jabuuti waday ee maanta lasoo gabagabeeyay.

Xeer ilaaliye Maki Cabdulqaadir ayaa sheegay magacyada labadi qof eek a dambeeyay qaraxi 24-kan ka dhacay Jabuuti, waxaana uu magacyada ku kala sheegay, Muuse Rooble Hiraab iyo Hodan Maxamed Ciise.

Waxa uu sheegay xeer ilaaliyaha in labadan qof ay Jabuuti soo galeen 22-ki bishaan, waxaana uu tilmaamay in dowladdu ay soo xirtay askari lagu sheegay inuu sharciga dal ku galka u fududeeyay labadaasi qof.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in lasoo qabtay dad ay qoraabo ahaayeen labada qof ee isqarxisay islamarkaana ay kusoo dageen, isagoo sheegay in dadkaasi la geyndoono maxkamad.

Muuse Rooble Hiraab ayaa isagu la sheegay inuu kasoo jeedo magaalada Diridhaba, halka Hodan Maxamed Ciise ay iyana kasoo jeeda magaalada Hargeysa.

Qaraxi 24-kaan ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda Jabuuti ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyo labadi isqarxisay sida ay sheegtay dowladda Jabuuti, waxaana ku dhaawacmay dad kaloo badan oo ajaanib ahaa

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada