Daawo Sawir Gacmeed:- Taageerayaasha Germany oo soo bandhigay Boor niyad jab ku riday C.Ronaldo

Daawo Sawir Gacmeed:- Taageerayaasha Germany oo soo bandhigay Boor niyad jab ku riday C.Ronaldo

daajis.com:-Taageerayaasha xulka qaranka Germany ayaa xalay niyad jab iyo Madax xanuun ku riday Xidiga Aduunka C.Ronaldo oo habeenkii xalay ciyaar katirsan Koobka Aduunka Xulkiisa la ciyaareen Dalka Germany.


Kahor inta aysan ciyaarta u dhaxeysay labada xulan bilaaban ayaa lasoo bandhigay boor ay wateen Taageerayaasha Xulka Qaranka Germny , boorka ayaana la sheegay in niyad jab ku abuuray Xidiga Aduunka C.R 7.




Boorka ay soo bandhigeen Taageerayaasha xulka qaranka Germany waxaa ku qornaa “Ronaldo?..Kaliya waxaa jira hal Ronaldo (R9)” oo ay ula jeedaan Ronaldaha weyn ee reer Brazil.


Kabtanka Xulka Purtugal C.Ronaldo ayaa xalay u muuqday mid aan si fiican ula qabsan kubada , mana soo bandhigin kubadii looga bartay, waxa uuna xulkiisa xalay Ronaldo la qeyb saday guul daro xanuun badan oo kasoo gaartay Xulka Germany.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada