Daawo Sawiro:- hor leh oo laga soo qaaday dadkii lagu laayay Jaziirad kutaala Dalka Kenya

Daawo Sawiro:- hor leh oo laga soo qaaday dadkii lagu laayay Jaziirad kutaala Dalka Kenya

daajis.com:-Waxaa sii kordhaya Qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar la tuhmayo in kooxo Islaamiyiin ah xalay ku qaadeen Deegaan lagu Magcaabo Mpeketoni oo katirsan Jaziirada Lamu ee Dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay weerarka xalay lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni waxaa lagu dilay ilaa 48-qof oo isugu jira ciidan iyo dad Shacab ah , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad aad u badan oo dhaawacyadooda qaarkood loo qaaday Magaalada Nairobi.

Taliyaha booliska Lamu Leonard Omollo ayaa waxaa uu sheegay inay xaqiijinayaan in tirada dadka la laayay ay gaarayaan 48 ruux ,waxaana uu intaa raaciyay in kooxda weerarka qaaday ay si gaar ah u bartilmaameysteen Labo hotel oo dalxiisayaal daganaayeen, Bangi iyo saldhig boolis.

Dadka ku dhintay weerarka ay geesteen kooxaha islaamiyiinta ayaa la sheegay in dhamaan ay ahaayeen rag waxa uuna Taliyaha Booliiska Lamu xusay in aysan caruur iyo haween ku jirin dadka ku dhintay weerarka xalay ka dhacay Deegaanka Mpeketoni.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa maanta aad u tabinaya weerarka ka dhacay gudaha Dalka Kenya ee dadka badan lagu laayay , waxaana Muuqaalo ay soo bandhigeen Tv-yada iyo Websetyada muujinayaan guryo iyo goobo kale oo la gubay.

Ma jiro ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada Weerarka dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Jaziirada kutaala Dalka Kenya , waxaana Warbaahinta Kenya ay sheegeen in weerarkaasi la tuhmayo in Al-Shabaab ka dambeeyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com














Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada