DAAWO VIDEO:- 16 Lamaane oo hal mar la isugu guuriyay Muqdisho

DAAWO VIDEO:- 16 Lamaane oo hal mar la isugu guuriyay Muqdisho

daajis.com:-Markii ugu horeyay waxaa magaalada Muqdisho la isugu guuriyay 16 Lamaaneyaal Soomaaliyeed, kuwaasi oo da'doodu u dhaxeysay 20 ilaa 18 sano jir, oo caawinaad iyo dhiiri gelin ka helayay Hay'ad Samafal oo lagu magacaabo Imaamu Qumeyni oo ka dhisan dalka Iiraan.

Guur wadareedkaan ayaa waxaa dhiiri gelinasay Hay'addaasi ka dhisan dalka Iiraan, iyadoo Lamaaneyaashaan lagu taageeraayay dhaqaale aan la shaacin inta ay cadadkeeda la eg tahay, waxaana Lamaaneyaashaan laga soo xulay goobaha barakacayaasha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir.


Mashruucaan oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa dhalinyarada la isu guuriyay waxaa ka mid ah wiil aad u da'yar oo 18 sano jir ah, kaasoo wejigiisa aad ka dheehan karto farxad isagoo u mahad celiyay hay'adda Imaamu Qumeyni.

HALKAN KA DAAWO GUURKA 16 LAMAANE


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada