Daawo Yaabkan : Nin lugta isaga xiray Taalo kutaala Magaalada Nairobi kadibna diiday in uu kasoo dago

Daawo Yaabkan : Nin lugta isaga xiray Taalo kutaala Magaalada Nairobi kadibna diiday in uu kasoo dago

daajis.com:-tv-ga laga leeyahay Dalka Kenya ee NTV ayaa soo bandhigay Muuqaalka nin fuulay taalo kutaala Bartamaha Magaalada Nairobi kadibna lugta silsilad isaga xiray taaladaasi , isagoona diiday in uu kasoo dago .

Ninka taalada fuulay kadibna lugta isaga xiray ayaa sheegay in uu qaraabo dhaw la yahay Hogaamiyaha taalada loo dhisay oo lagu magacaabo Dedan Kimathi oo ahaa halgamaa ka qeyb qaatay xoriyaddii dalka Kenya.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Dalka Kenya ninka taalada lugta isaga xiray ayaa sheegay in uu ka cabanayo dacaayad Dowlada Kenya ay u geesatay isaga iyo qoyskiisa , waxa sidoo kale tilmaamay inuu yahay qof shaqo la’aan ah.

Ciidamada Booliiska iyo dadweyne badan oo soo dhoobtay halka ay taaladu ku taalay ayaa laga codsaday ninkan in uu sil silada iska furo kadibna soo dago , hasa ahaatee waa uu ka biyo diiday ilaa ugu dambeyn ee ayeeyadiis oo goobta timid ku qancisay in uu soo dago iskana fur furo silsilada.

Ninka Taalada loo dhisay ee Dedan Kimathi ayaa ahaa Hogaamiyihii jabhaddii Mau Mau ee beesha Kikiyuuda u badneyd ee la dagaalantay gumeysigii Ingiriiska , waxaana ninkan la dilay 1958-, taaladan ayaana loo dhisay Hogaamiyahaasi sanadii 2006-dii.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada