News:- Nin gacan yare u ahaa Mid kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

News:- Nin gacan yare u ahaa Mid kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

daajis.com:-Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada Nabad Sugida Dowlada ay gacanta ku dhigeen nin katirsanaa Al-shabaab gacan yarana usoo noqday mid kamid ah Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa ninkan iyo xubno kale oo la tuhmayo waxa ay ku qabteen Suuqa Weyn ee Bakaaraha waxaana loo gudbiyay saldhigyo ay Nabad Sugida ku leeyihiin qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Sargaal katirsan Nabad Sugida ayaa sheegay in ninka ay qabteen lagu Magacaabo C/Qaadir C/Raxmaan Cali , uuna gacan yare u ahaa Sargaalka Al-Shabaab u qaabilsan Maamulka Gobolada oo lagu magacaabo Sheekh Xuseen Fiidow.
Ninkan gacanta ugu jira Ciiamada Nabad Sugida ayaa la sheegay in uu qirtay in Al-Shabaab uu xubin ka ahaa uuna gacan yare usoo ahaa Sheekh Xuseen Fiidow oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab katirsan.

Ciidaada Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadeen howlgalo gaar ah oo lagu xaqiijinayo amaanka , waxa ayna Saraakiisha amaanka Dowlada shaaciyeen in la kordhinayo howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada