Danjiraha Mareykanka u Jooga Kenya oo Codsi Deg Deg ah u Dirsaday Washington Kadib Markii Digniin Amniga La Xiriirta La soo Saaray

Danjiraha Mareykanka u Jooga Kenya oo Codsi Deg Deg ah u Dirsaday Washington Kadib Markii Digniin Amniga La Xiriirta La soo Saaray

daajis.com:-Danjiraha dawlada Mareykanka u fadhiya wadanka Kenya Robert Godec ayaa la sheegay inuu codsi deg deg ah u dirsaday Washington kadib markii ay soo bexeen digniino ku aadan amniga dalka Kenya iyo in weeraro ay soo abaabulaan kooxda Al Shabaab lagu qaadi karo goobo muhiim ah.

Danjiraha ayaa warqad uu u qoray wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu ku codsaday in ciidan Mareykan ah oo amaankiisa ilaaliya iyo qalab looga soo diro wadanka Mareykanka, isagoo sheegay in xaalada amniga ee safaaradda Mareykanka ee Nairobi aad uga walaacsan yahay.
Wargeyska the Standard ee ka soo baxa caasimada Kenya ee Nairobi ayaa sheegay in ciidamo boolis ah oo dheeraad ah oo ka mid ah kuwa Kenya la geeyay xarunta safaarada Mareykanka, iyadoo la bedelay hanaanka amniga ee safaaradda.
Toddobaadkii hore ayaa sida uu qoray wargeyska waxaa la dhimay tirada shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya iyadoo la yareeyay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee ku sugan safaarada.
Arrintan ayaa la sheegay inay la xiriirto cabsi laga qabo amniga gudaha ee safaraada iyo shaqaalaha safaarada in la la soo beegsado weeraro ay soo qorsheeyaan kooxaha weerarada kka geysanaya gudaha wadanka Kenya.
Dhinaca kale dawlada Mareykanka ayaa toddobaadkan kordhisay heerka digniinta khataraha ee gudaha wadanka Kenya, taasoo sare loo qaaay dadka Mareykanka ahna looga dugay inay u safraan wadanka Kenya xilligan.
Digniintan cusub ayaa ka dambeysay kadib markii weerarkii lagu qaaday deegaanka Mpeketoni usbuucii hore ay sheegatay kooxda Al Shabaab halkaasoo dad ka badan 50 ruux lagu dilay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada