Gaari siday xamuul ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo lagu gubay duleedka degmada Qoryooley

Gaari siday xamuul ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo lagu gubay duleedka degmada Qoryooley

daajis.com:-Kooxo hubeysan oo la sheegay iney taabacsan yihiin Al-shabaab ayaa gaari xamuul ah oo badeecado u siday ganacsato Soomaali ah ku gubay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.


Gaarigan ayaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa wadada u galay kooxo ka tirsan Al-shabaab xili uu ku sii jeeday degmada Qoryooley, iyagoo markaa ka dibna dab qabadsiiyey gaariga iyo wixii saarnaa guud ahaan.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in gaariga uu markii hore ku dhacay god wadada dhinaceeda ku yiilay, intii lagu mashquulsanaa sidii godka looga saari lahaana ay goobta ugu yimaadeen xoogaga Al-shabaab.

“Falkan waa mid ka baxsan bani’ aadamnimada iyo shareecada Islaamka, xitaa haddii aysan ogoleyn inuu Qoryooley soo aado gaarigan waxay aheyd ugu yaraan iney xitaa dib u celiyaan ee ma aheyn iney dab qabsiiyaan hanta ay leeyihiin dad islaam ah” ayuu yiri gudoomiyaha.

Al-Shabaab oo tan iyo markii lagala wareegay cuno-qabateyn ku hayey degmada Qoryooley ayaa horey digniino ugu jeediyey gaadiidka xamuulka ah ineysan badeecado ganacsi geyn Karin degmadaas taasoo ciriiri gelisay nolosha shacabka ku nool halkaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada