Faaqidaada World Cup 2014:- Robben iyo Van Persie oo aargoosi lama ilaawaan ah kudhigay Spain

Faaqidaada World Cup 2014:- Robben iyo Van Persie oo aargoosi lama ilaawaan ah kudhigay Spain

daajis.com:-Xulka Qaranka Holland ayaa ciilkii koobka Aduunka ee sanadkii 2010-ka laga qaaday waxeey kula dul dhaceen xiddigaha reer Spain oo la doonayo inay sanadkaan difaacdaan Koobka Aduunka oo si xiise leh uga socda wadanka Brazil.

Kulan aad u adag oo labadaan dal ku dhex maray garoonka Arena Fonta Nova Stadium ee magaalada (Salvador Da Bahia) ayaa waxaa 1-5 lagu xaaqay xulka Spain oo awoodiisa ku ekeed kaliyah ciyaarta qeybteedii hore. Spain oo kulankaan gool Rigoore ah ku hor martay waxaa (daqiiqadii 27-aad) u saxiixay xiddiga kooxda Real Madrid Xabi Alonso .

Intaas ka dib waxaa dib ka soo kacsaday laacibiinta Qaranka Oranjiga Holland oo xulka Spain goolkii agoonka ahaa Darsin goolal ah ugu badalay (1-5, Hal Jar Shan) , Goolasha xulka Holland waxaa min labo u kala saxiixay laacibiinta kala ah Robin Van Persie (daqiiqadihii 44-aad iyo 72-aad), & Arjen Robben (daqiiqadihii 53-aad iyo 80-aad), Goolka kale waxaa xulka Holland u dhaliyay ciyaaryahan De Vrij (daqiiqadii 64-aad) .

Xulka Spain ayaa dhanka Difaaca iyo weerarka aad uga liitay waxeeyna ka adkaayeen kaliyah dhanka Qadka dhexe. Sidoo kale Goolhaye Ikar Casillas ayaa xulkiisa kulankaan qasaariyay kaas oo sameeyay 3 qalad oo dhib u soo jiiday xulka La Roja Spain .

Daawashada ciyaartaan oo ay soo xaadireen garoonka (Salvador Fonte Nova Arena) in ka badan 48.173 qof oo u badnaa shacab reer Brazil ah iyo taageerayaasha labada Qaran ayaa waxaa yaab eheed Weeraryahan Diego Costa oo mar kasta oo uu Kubada taabto lagu orinayay maadaama uu Qaranka Spain ku biiray isaga oo u dhashay loogana baahan yahay xulka Brazil.

XIDDIGAHA SPAIN VS HOLLAND AYAA QAABKAAN ISKU FARA SAARAY :

Spain : Goolhaye Casillas - Azpilicueta, Sergio Ramos, Pique, Jordi Alba - Busquets, Xabi Alonso (63./Pedro) - Iniesta, Xavi, David Silva (78./Fabregas) - Diego Costa (63./Torres) .

Holland : Goolhaye Cillessen - Janmaat, Vlaar, De Vrij (77./Veltman), Martins Indi, Blind - De Jong, De Guzman (62./Wijnaldum), Sneijder - Van Persie (79./Lens), Robben.

*** Dhanka kale wadamada Chile Vs Australia oo iyagana ku jira Guruubkaan (B) ayaa kulan ay wada yeeshee waxaa 3-1 ku badisay Chile. goolasha Chile waxaa u kala dhaliyay xiddiga Fc Barcelona Alexis Sanchez (daqiiqadii 12-aad), Jorge Valdivia (daqiiqadii 14-aad) iyo Jean Beausejour dhamaadkii ciyaarta (daqiiqadi 92-aad).



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada