Daawi Sawir:- Amakaak Leh Oo La Qaaday Maalintii Furitaanka Koobka Adduunka

Daawi Sawir:- Amakaak Leh Oo La Qaaday Maalintii Furitaanka Koobka Adduunka

daajis.com:-Brazil waxaa ka socda banaanbaxyo muddo sannad ka badan haatan, iyadoo malaayiin dad ah ay ka banaanbaxayaan in baahida ka jirta wadanka ay dowlada lacago xad dhaaf ah ku qarashgareysay martigelinta Koobka Adduunka.

Koobka Adduunka ayaa bilowday xalayto, waxaana ay u muuqatay in la iska ilaaway banaanbaxyadaas oo dhan. Kulanka furitaanka ayaa noqday mid xiiso leh oo xamaasad badan abuuray islamarkaana ay ka buuxeen waxyaabo lama filaan iyo muran dhaliyay, taasoo keentay in muuqaaladii askarta jidadka joogay iyo banaanbaxyaasha ay ka baxaan diirada iyadoo Brazil ay bilowday dabaaldeg.

Laakiin iyadoo xitaa dabaaldegyadaas ay jireen, waxaa soo baxay sawir cusub oo dunida oo dhan lagu wadaagayay baraha bulshada taasoo cadeyneysa sida ay u nool yihiin fuqarada reer Brazil.


Sawirka ayaa waxaa bogiisa Twitter soo dhigay suxufiga reer Britian Michael Calvin kaasoo u shaqeeya jariirada Independent on Sunday. Sida aad ka arki karto sawiro waa haweeney wax ay cunto ka dhex raadineysa meel qashinka lagu qubo iyadoo kumaanaan taageerayaal Brazil ah ay u dhaafayaan dhanka garoonka.

Iyadoo taageere aan ka warqabin in haweeney ay ku dhex jirto qashin qubka uu dhalo faaruq ah ku sii dhex tuurayo, waxaana ay taasi cadeyneysaa farqiga u dhaxeeya fuqurada Brazil iyo dadka lacagta heysta ee wadanka ugu dadka badan South America.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada