FIFA WORLD CUP:- Xulka Uruguay oo England ka reebay koobka Aduunka "SAWIRRO"

FIFA WORLD CUP:- Xulka Uruguay oo England ka reebay koobka Aduunka "SAWIRRO"

daajis.com:-Xulka Uruguay ayaa Englan ka reebay tartanka koobka Aduunka, marki uu kaga badiyay 2-1.

Daqiiqadii 32-aad ayay england ugu dhawaayeen inay gool helaan, marki ay kubadda birta ka beenisay laad free kick ahaa oo uu gamay Daniel Welbeck.
Luis Suarez ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Uruguay, markii uu gool qurux badan madaxa ku dhaliyay, xilli uu baas wanaagsan ka helay saxibkiisa Edinson Cavani daqiiqadii 39-aad.

Lakin daqiiqad kadib xulka england ayaa helay fursad ay ku barbareen kareen, waxaana ka qasaariyay weeraryahankooda Daniel Strudge daqiiqadii 40-aad.

Qaybti hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 1-0 oo uu hogaanka ku hayay xulka Uruguay,iyadoo qabti hore dhinaca kubad heysashada uu ku sareeyay xulka England, inkastoo uusan saameyn sameeynin.

England ayaa ku sigatay in loo labeeyo daqiiqadii 47-aad, marki uu gacanta ku bixiyay kubadda goolhaye Joe Hart,iyadoo afar daqiiqo kadib uu goolhayaha qaran England uu markale kubadda ka badbaadiyay Cavani.

Daqiiqadii 53-aad Rooney ayaa ku dhawaaday inuu soo bar-bareeyo xulka Uruguay, lakin nasaab wanaag waxaa kubadda ka badbaadiyay goolhayaha qaranka Uruguay.

Daqiiqadii 61-aad ayaa waxaa dhaawac ka badbaaday daafaca xulka Uruguay Parera, kadib marki sterling uu jilibkiisa madaxa kaga dhuftay ciyaaryahanka, inkastooo dibadda garoonka looga bixiyay hadane daqiiqad kadib ayuu kusoo laabtay garoonka isagoo xaqiijiyay inuu badqabo.

Daqiiqadii 74-aad ayay England soo barbareeysay xulka Uruguay, marki uu goolka bareejada ah u dhaliyay wayne Rooney, kaasoo shabaqa ku hubsaday kubad uu kasoo shaqeeyay Daniel Sturridge soona taabtay Johnson.

Luis Suarez ayaa markale hogaanka u dhiibay xulkiisa Uruguay islamarkaana ku hogaamiyay guul, markii uu u dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 84-aad ee dhammaadki ciyaarta, xilli uu laad xor ah daba mariyay goolhaye Joe Hart.




Xulalka Brazil, Mexico, Netherland, Chille, iyo Colombia xaqiijistay booskooda wareegga 16-ka ee koobka Aduunka.

Dhinaca kale na xulka Colombia ayaa 2-1 uga adkaaday xulka ivory Coast.Ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 oo ay gusha ku raacday xulka Uruguay, waxaana England ay gabi ahaanba isaga hartay tartanka koobka Aduunka,

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada