Khilaaf ka dhashay Ciidamo tababar loogu diray Dalka Talyaaniga oo soo shaac baxay

Khilaaf ka dhashay Ciidamo tababar loogu diray Dalka Talyaaniga oo soo shaac baxay

daajis.com:-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmahan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya Guddiga difaaca Baarlamaanka oo ka mid ah Guddiyada Baarlamaanka & Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, khilaafkaas oo ku saabsan askar tiradoodu 20 gaareyso oo tababar looga diray dalka Talyaaniga, oo aaney Guddiga Baarlamaanka waxba kala socon.

Xildhibaan ka tirsan Guddiga difaaca Baarlamaanka, oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana ka cudur-daartay in magaciisa la xuso, waxa uu sheegay in Guddigu u arko in 20-kaasi dhalinyarada ah ee tababarka loogu diray Talyaaniga qol mugdi ah dhexdiis ay ku maamuleen shaqsiyaad dowladda Talyaaniga xiriir la leh, ayna u maamuleen qaab cadaaladda ka fog, haddii aaney iyagu baarlamaan ahaanna ka hor tegin ay dhici karto in lagu sharciyeeyo Soomaali oo dhan in qaabkaas cadaalad darrada ah wax loogu qeybiyo.

"Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya wuxuu daba joogaa ciidamo 2 billood ka hor tababar loogu diray Talyaaniga oo aaney ka warqabin, oo qaab suuqa madow ah loo abaabulay, ayna abaabuleen dad Talyaaniga ku xiran, waxaa tababarkan loo furay 20 qofood oo la bariyey habka baaritaanka ciidamada booliska ah iyo sida looga howlgalo Garoomada & Dekadaha, waxaana loo qeybsaday 5 Puntland, 5 Somaliland iyo 10-ka kale oo la yiri dowladda Soomaaliya ha qeybiso, tillaabadaas Guddiga difaaca gaf ayey u arkeen; Siddeey ku dhici kartaa in beel ka mid ah beelaha Soomaaliya (Puntland) la siiyo 5, Somaliland na la siiyo 5, Soomaali inteeda kalena la yiraa 10 xubnood ha loo qeybiyo. Yaa is tiriyey oo yiri Puntland waxey Soomaali ka tahay 25 % (labbaatan iyo shan boqolkii). Waxaan baarlamaanka u gudbinay in laga hadlo arrintaasi fadeexada ah" ayuu yiri Xildhibaankaas, isaga oo intaa ku sii daray in dowladda Talyaaniga ay dhinac na taageereyso Soomaalida, haddana in dhinaca kalena ay dad gaar ah wadato.

Xildhibaankan wuxuu sheegay in Guddiga difaaca ay ka war heleen arrintani markii ay soo laabteen ciidamadaasi, oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey xarunta booliska.

"Waxaan dooneynaa inaan ogaano cidda abaabushay sheekadaan, warar hoose waxey leeyihiin Puntland & Talyaaniga ayaa ka dambeeyey, annaga waxaan dooneynaa in dowladda Talyaaniga haddii ay ku cadaato in ay qaladkaasi geysatay inaan kala hadalno. Talyaaniga waa inuu kala doortaa Soomaali iyo hal beel oo ka mid ah beelaha Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliya & Talyaaniga wuxuu soo jiray 100 sanno iyo ka badan sidee ku dhacday in boqolkii ba 5 aad siisaan beel ka mid ah Soomaaliya, weliba ay dad badan rumeysan yihiin haddii la is tiriyo in ay ka mid yihiin beelaha ugu tirada yar" ayuu yiri Xildhibaankaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada