dhaqdhaqaaq Ciidan oo Gobweyn ka bilowday Hub iyo Ciidamo dheeri ah oo soo garay Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada

dhaqdhaqaaq Ciidan oo Gobweyn ka bilowday Hub iyo Ciidamo dheeri ah oo soo garay Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada

daajis.com:-Warar anu kaheleyno Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ee ku sugan Deeganka Gobweyn ee duleedka  Kismaayo ayaa waxaa so garay  hub iyo ciidamo dheeri ah.

Sida uu ino sheegay  Cabdilahi Maday oo ka mid ah  dadka deeganka Sabco asharaad dagan  waxaa maalmahan deegankaasi soo garayay Ciidamo ka kala yimid  deegano kala duwan oo ka tirsan  Gobolka Jubbada Hoose iyo waliba Ciidamo Doonyo  ay ka soo dad guraynayaan  Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku labisan dareyska Ciidamad Dowlada Fadaralka Somalia.

Sida aan ka helnay ilo lagu kalson yahay qalabka ka dagay  xeebta deeganka Sabco asharaaf waxaa uu u badan yahay  qoryaha lo yaqaano Jiib Gacmeedka iyo Basuukeyaasha kuwaas oo logu talagalay in lagula dagaalamo gadiidka dagaalka .

Si aan Xog badan uga ogaano halka ay Ciidamada Muqdisho ka imanaya ay ka tirsanayeen ayaa waxaa Shabakada Kismaayo24 ay Xiriir la samaysay Col Farxaan  Xusein oo ka mid ah Sarakiisha Ciidamada Dowlada Somalia ee ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka oo ku sugan Muqdisho.

Col Farxaan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Muqdisho ka tagay ee Garay Gobweyn ay yihiin Ciidamadi beesha Sade ugu jiray Milatariga Somalia ee ku sugnaa Muqdisho iyo Sh dhexe kuwaas oo u dulqaadan wayay Tacadiyada Magaalada Kismaayo logu gaysanayo  shacabki ay ka soo jeeden.

Asago hadalkiisa sii wada ayaa waxaa uu col Farxaan sheegay in  dhawaan Kismaayo ay ka dhici doonto  wixii ka dhacay magaalada Marka ee gobolka sh hoose waxaa una intaasi sii raciyay in uu jiro Xiriir wanagsan oo ka dhaxeeya Ciidamada Milaariga Somalia kuwooda hada ku sugan  Gobweyn iyo kuwa ku sugan Marka.

Dhanka kale Deeganka Gobweyn waxa ka bilowday diyaar garow dagaal kaas oo lagu qaadayo Magaalada Kismaayo oo u jirta 8 km waxaana Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ka go,an in ay Magaalada Kismaayo ka saaran kooxda Raskambooni oo dhib aad u weyn ku haysa shacabka Kismaayo qaybahooda kala duwan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada